DEG-DEG-SOMALILAND OO XABSIGA DHIGTAY MADAXII IIBGAYNTA SHIRKADA TELESOM MD. CABDIWAHAAB MAAX

Hargeisa(GNN):-Wararka ka imanaya magaalada Hargaysa ayaa sheegaya in Ciidmada Booliska Somaliland ay abaaro duhurnimadii manta xabsiga u Taxaabeen Madaxii suuq gaynta ee Shirkada Isgaadhsiinta ee Telesom ee Somaliland Md. Cabdiwahaab Maax Maxamuud, waxana xadhiga sarkaalkan shabakada u xaqiijiyay  Md. Mahad Muxamed Faarax oo ka mid ah saraakiisha  shirkadaasi Telesom

“Abaaro 11kii duhurnimo ee Saaka ayaa saraakiisha ciidanka CID-da ay u yeedheen Md. Cabdiwahaab Maax, markii uu u tagayna waxa ay ku wargaliyeen in uu xidhan yahay, xadhigiisuna yahay Amar sare oo xukuumada ka soo baxay” ayuu yidhi Md.Mahdi

Isaga oo hadalka sii wata ayaa waxa uu intan daba dhigay Md. Mahad in uu aaminsan yahay
 
in Xadhiga Md. Cabdiwahaab Maax uu salka ku hayo hadal uu maalintii shalay siiyay Idaacada BBC-da kaasi oo ku aadanaa Adeega Zaadka iyo isticmaalkiisa.

Si kastaba ha ahaatee Xadhiga Sarkaalkan ka tirsan shirkada Telesom ayaa waxa uu ku soo beegmayaa waqti ay xukuumada iyo Shirkaa Telesom oo fidisa adeega ugu balaadhan ee lacagta ee Zaadka loo yaqaan oo Saamey  Ku Yeeshay Hoos U Dhaca Qiimaha Shilinka Somaliland ay isku aragti ka noqon kari la’yihiin sidii umada looga badbaadin lahaa sicir-bararka xadhkaha goostay iyada oo aan lagu xadgudbin suuqa ganacsiga ee xorta ah ee ka jira Somaliland.