Madaxweyne Siilanyo Oo Hada Magacaabis Sameeyey Iyo Cida Uu Magacaabey

Hargeisa(GNN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo
waxa digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4506/012017, ku magacaabay Maareeye Ku-xigeenka Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Baahida loo qabo in la magacaabo Maareeye Ku-xigeenka Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Soo jeedimihii iyo talooyinkii mas’uuliyiin kala duwan;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu Go’aansaday

In Mudane, Maxamuud Xuseen Faarax (Caddaani), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Allaa Mahad Leh,
Axmed Maxamed Silanyo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland