Wafti balaadhan oo ka socda garsoorka Somaliland iyo xeer ilaalinta ayaa shalay ka dhoofay magaalada Hargeysa isla markaana u dhoofay dalka Jabuuti.
Shirkan oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah waxa uu daba socdaa sidii loo midayn lahaa heshiisyo gaar gaar ahaa oo saddexda dal laba-ba gees u lahayd balse iminka la isku xidhayo sidii loo horumarin lahaa wada shaqayntooda.
Shirkan ayaa sida ay xoguhu noo sheegeen uu ka danbayn doonaa shir kale oo 6 Febarwari ka furmi doona dalka Itoobiya,waxaanay ujeedada shirkan la xidhiidhaa khatarta kooxaha islaamiyiinta ah iyo sidii dacwadahooda la iskaga kaashan lahaa.
Shirkan ayaa la la xidhiidhinayaa inuu ka dhashay kadib weeraradii ka dhacay dalka Jabuuti iyo Itoobiya kuwaas oo ay Somaliland xudun u tahay sidii ay uga qayb qaadan lahayd sidii ay loo dhamaystiri lahaa dacwadahooda.