Miyey Bayern Munich U Ogolaan Doontaa Arturo Vidal Inuu Ku Biiro Chelsea? Carlo Ancelotti Ayaa Ka Jawaabaya

Chelsea ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay si ba’an loola xiriirinayay kubad burburiyaha sare ee qaranka Chile iyo kooxda Bayern Munich Arturo Vidal iyadoo warbaahinta Ingiriiska ay warinayeen in Blues ay xidigaan heerka caalami lasoo saxiixan doonto inta lagu jiro bishaan January.

Macalinka Bayern Munich Carlo Ancelotti ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay wararka aan sal iyo raadka laheyn ee Arturo Vidal la xiriirnaya Blues isagoo shaaca ka qaaday iney yahiin warar been abuur ah isla markaana aysan ku tala jirin iney waqtigaan iibiyaan xidigii hore Juventus.

arturo

Xiriirka wacan ee ka dhaxeeya Conte iyo Vidal ayaa ah mid kusoo jiidi kara xidigaan inuu galbeedka magaalada London yimaado, balse Bayern ayaa dooneysa ineysan iska fasixin wiilkaan shaqada badan.

Ancelotti oo saxaafadda la hadlay isagoo ku sugan dalka Qatar halkaas oo ay ciyaartoydiisa iyo isagaba u tageen iney tababar kusoo qaataan sababo la xiriir cimilada ayaa xaqiijiyay in Vidal uu yahay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan kooxda.

“Gabi ahaan waa been abuur, waxna kama jiraan” Ayuu Ancelotti u sheegay saxaafadda mar wax laga weydiiyay arimahaas.