Ugaaska C/risaaq Koosaar Cali oo Kamid Madax-Dhaqameedka Somaliland Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Walaalaha Ah ee Dirirta Dagaal ku Dhexmartay Buuhoodle.

Hargeisa(GNN):-Ugaaska Guud Ee Beesha Cabdale Abokor Ugaas Cabdirisaaq Koosaar Cali oo Kamida Madax-dhaqameedka Dalka Somaliland Ayaa  Maanta Mar Uu Warbaahinta la hadlay baaq Nabadeed U Diray Beelaha Walaalaha Ah ee Colaada Dirireed Ku Dhexmartay Deegaaanka Buuhoodle Oo ka Tirsan Somaliland.

wuxuu ugu baaqayaa beelaha walaalaha ah ee dirirta colaadda ahi ku dhex martay deegaanka Higlo ee Buuhoodle in ay xaaladda cakiran ee dagaalka ah ku soo dabaalaan nabad iyo wada-noolaansho.

 

Waxaannu baaq u direynaa Xukuumadda Somaliland, Golaha Guurtida Somaliland, Madax-dhaqameedka, cuqaasha iyo Waxgaradka guud ahaan reer Somaliland iyo gaar ahaan kuwa labada dhinacba inay colaaddan ka gurmadaan, isla markaana loo soo afjaro, lana soo celiyo wada-noolaanshaha iyo in sidii innoo dhaqanka ahayd xaaladda aynu ku soo dabbaalno wada-hadal iyo walaalnimo.

Ugaas C/risaaq Ayaa Sidoo kale Fariin u Diray Beelaha Kale ee La Dagaanka Ah Kuwan Ay Dirirtu Ku Dhexmartay waxaanu sheegay in ay ka hawlgalaan oo ay u gurmadaan dadkooda walaalaha ah ee colaadu dhextaalo, Kuwa ugu Dhow Ee Xalin kara Khilaafaadka Sababay Dagaalkaa Iyo Dhimashadaasi Waa Beelaha Kale Ee La deegaanka Ah, walaalayaan ka kaca fadhiga u gurmada walaalahiina is diriraya oo xalwaara ka dhaliya idinkoo si dhex iyo walaalnimo ah u xalinaya.

Waxaana Ugaasku Sidoo kale Ilahay ka Baryey in Abaaraha baahsan ee Dalka ka Jira Ilahay ka Jabiyo oo Dad Iyo Duunyaba Wakhti Xaadirkan ku Sugan Xaalad Cakiran oo qarka u saaran dhimasho iyo geeri.