Ceerigaabo (GNN) Alle Haw Naxaristee Hal Qof Ayaa Ku Geeriyooday Laba Kalena Way Ku Dhaawacmeen Kadib Marki God Suuli OO Ay Qodayeen Ay Ku Biiroodeen(Ku Neef qabatobeen).
Sidaasina Waxa Shabakada Gabiley.net U Xaqiiyiyay Qof Goob Joog aha Wuxuna Intaasi Ku Siidaray In Mid Kamida Dadka Dhaawacmay Uu Kamid Ahaa Dadka U Soo Gurmaday Hase Yeeshee Isna Uu Ku Biirooday Xili UU Isku Dayay In Uu Soo Badbaadiyo Marxuumka Ku Geeriyood Oo Magaciisa Lagu Soo Gaabiyay Muuse Hase Yeeshee Ii Isaga Laftiisu Sigtay Waxana Durbadiiba Arkay Dadkii Xadhiga U Hayay Ee Dusha Joogay Kuwaasi Oo Si Deg Dega Xadhiga U Soo Daabulay Sidaasina Dibada Ku keenay.
Waxana Labada Nin Ee Dhaawacaa ah Lagu Daweynayaa Cisbitaalka Guud Ee Magaalada ceerigaabo Halka Marxuumkii Geeriyoodayna Godkii Loogu Degi Kariwaayay Oo Uu KU Jiro Sidaasina Waxa Shabakada Gabiley.net U Sheegay Agaasimaha Cisbitaalka Guud Ee magaalada Ceerigaabo
Wixii Warara Ee Ka Soo Kordha Fadlan kala Soco Wararka Yaga Danbe