War Deg Dega:-Qarax Ismiidaamin Ah Oo Lagu Qaaday Xarunta Haayada UNDP iyo Khasaaraha Ka Dhashay.

Muqdisho(GNN):-Waxaa goordhaw qarax lagu soo xiray mid kamid gaadiidka ay adeegsato Hay’ada UNDP ee magaalada Muqdisho ayaa goordhaw ku dhax qarxay garaash ku dhax yaala xarunta Hay’adaasi oo kutaala agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in gaariga oo ahaa nuuca loo yaqaan Hilux ama Qooqan ayaa lagu soo xiray qarax waxaana gaariga xalay uu ku hoyday garaash ku yaala agagarka KM-4 iyadoona saakay markii la geeyay xarunta Hay’adaasi uu qarxay.

Inta la ogyahay afar kamid ah ciidamada kambaniga ilaaliya xarunta UNDP ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, waxaana hada socda baaritaano lagu ogaanayo waxa uu ahaa qaraxaasi iyo halka gaariga lagula soo xiray.

Gaariga qaraxa lagu xiray waxaa lahaa mid kamid ah saraakiisha Soomaalida ee ka shaqeeya Hay’ada UNDP , waana qaraxii ugu horeeyay ee xaruntaasi ka dhax dhaca tan iyo waxii ka dambeeyay markii weerar ismiidaamin ah lagu qaaday xaruntaasi.