Weftigii Xukuumadda Somaliland Kasocday Ee Uu Hogaaminaayey Wasiirka Madaxtooyada Oo La Kulmay Boqorka Kuweyt Iyo Masuuliyiin Kale

Wefti ka socoda xukumada Somaliland oo uu horkacaayo Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka kooban Xubno wasiiro ah iyo xubno katirsan Gudida Abaaraha Qaranka Somaaliland oo Maalintii shalay ka ambo-baxay magaalada Hargeysa ayaa si heer sare ah loogusoo dhaweeyey Qasriga Madaxtooyada Kuwait.

weftigii maxamuud xaashi

Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Maxamed Ibraahim Qabyo-tire, Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xagla-toosiye, Madaxa Ha’yada diwaanka Sakada Iyo Xubno katirsan gudida Qaranka ee dhanka Abaaraha ayaa qasriga madaxtooyadda Kuwait kula kulmay boqorka Kuwait Sheekh Sabah Al-Axmed Al-sabah oo si meeqaam sare leh ugusoo dhaweeyey qasriga madaxtooyada.

Kulanka weftiga wasiirada iyo boqorka dalka Kuwait Sheekh Sabah ayaa lagaga wada hadlay arimo ay kamid yihiin abaaraha daran ee hadda ka jira geyiga Somaliland iyaga oo weftiguna uga warmay xaalada abaaraha iyo biyo la’aanta ee dalka ka jirta.

weftigii kuweyt aaday

Boqorka Dalka Kuwait ayaa balan qaaday in uu si deg deg ah isga iyo Xukumadiisu uga qayb qaadanayaan sidii ay gacan uga gaysan lahayeen dadka abaaruhu waxyeeleeyeen, isla markaan gacanta ugu horeeysa ee deeqda ay abaaraha ugu talo galeen ay dhawaan gaadhsiin doonaan Dalka iyo dadka tabaalaysan.

Halka kulanka Wasiirada iyo boqorka Kuwait arimo badan la islasoo qaaday iyo sida ugu dhakhsaha badan ee deeqaha raashinka iyo dawooyinka losoo gaadhsiin lahaa dadka tabalaysan, taas oo boqorku sheegay in Diyaaradaha dalka Kuwait ay gacan ka geysan doonaan sidii Hargeysa looga dejin lahaa deeqaha Dalka Kuwait ugu talo galay dadka Abaaruha wax-yeeleeyeen, gebo gebadii kulanka weftiga iyo boqorka oo kusoo dhamaaday jawi aad u qurux badan oo boqorku Salaan usoo diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliland iyo Guudahaa Shacabiga Somaliland.

Sidoo kale weftiga ayaa la kulmay Dr. Cabdallah Al Matouq oo ah Gudoomiyaha Ha’yada Islamic Charitable Organizations oo ah Ha’ayad dadka tabaalaysan caawisa isla markaasna ah Ergeyga Bini’aadamnimada u qaabilsan Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Sidoo kale weftiga oo ku gudo jira hawlaha qaranka Somaliland ay u hayaan iyo masuuliyada ka saaran sidii dadkooda abaaruhu saameyeen ugu gurman lahaayeen ayaa la kulmay Maamulaha Guud ee Ha’ayada Sakada Ee International Islamic Charity Org, Bader Saud Alsait waxayna weftigu kala hadleen sidii gurmad loogu fidinla’ahaa dadka abaaruhu ku dhufteen, isaga oo Gudoomiyaha guud ee Ha’ayda Isalmiga ah ee dhanka Sakadu uu balan qaaday in uu Ha’yadiisu gacan kageysan doonto sida ugu dhakhsaha badan xaalada abaarta ah ee ka taagan guud ahaan Somaliland.

Weftiga wasiirada iyo xubnaha gudida abaaraha qaranka ayaa duhurnimadii wiilka uu dhalay Boqorka Dalka Kuwait Hamd Sabah Al-ahmed Sabah uu ugu qado sameeyey Beer weyn oo magaalada ka baxsan, Isla markaana waxa weftiga uu hogaaminaayo wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi Iyo Wiilka Boqorka Dalka Kuwait Hamd Sabah ay Diyaarad nooca qumaatiga u kacda ah ee Helicopter-ta looyaqaan ay kusoo eegeen Mashaariicda kala duwan ee kasocota gudaha dalka iyaga oo soo indho indheeyey qaybaha kala duwan ee Magaalada.