Deg-Deg:-Hal Qof Oo Caawa Lagu Dhex Dilay Gudaha Caasimada Hargeisa.

Waxaa caawa badhtamaha magaalada Hargeysa lagu dhex dilay hal qof oo

aan wali si rasmi ah loo aqoon cida uu yahay iyo cida dishay

Marxuumka la dilay ayaa waxaa uu yahay wiil waxaana lagu dilay agagaarka Idaacada Radio Hargeisa badhamaha suuqa weyn ee Gobonimo ee magaalada Hargeysa , waxana lagu dilay marxuumka sida lanoo sheegay [Mindi]

 

Ciidamada Booliska Somaliland iyo kuwa danbi baadhista oo goobta soo gaadhey ayaa waxaa dad goob joogayaal ahi u xaqiijiyeen Shabakada Gabiley News Network in ay meydkiii ka qaaden goobta isla markaana ay dhawr qof u qab qabteen, Waxaana Wararku Intaasi Ku Dareen In Nimankan Dilay Marxuumku Ahaayeen Kuw Cabsan Maandooriyaha Xabagta.