Ma Yahay Qorshaha Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo Ee Ku Jihaysan Heshiiska Saldhiga Milatari Ee Dawlada Imaaraadka Carabta Laga Siinayo Madaarka Barbara Mid Waafaqsan Dastoorka Jamhuuriyada S/land Iyo Xeerka Dalka?

Ma Yahay Qorshaha Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo Ee Ku Jihaysan Heshiiska Saldhiga Milatari Ee Dawlada Imaaraadka Carabta Laga Siinayo Madaarka Barbara Mid Waafaqsan Dastoorka Jamhuuriyada S/land Iyo Xeerka Dalka?

Maxaase U Diiday Xilldhibaanada Iyo Siyaasiyiinta Xisbiga Wadani Ee Ka Soo Horjeeda Qorshaha Xukuumada Siiraanyo In Ay Doodooda Bud Dhig Uga Dhigaan Qodobada Distoorka Jamhuuriyada S/land Iyo Xeerarka Dalka ?

Waxaa hubaala in Dastoorka Jamhuuriyada S/land si cad u cadeeyay Qaab Dhismeedka Xukuumada S/land oo ka kooban Sadex Waaxood oo kala ah Waaxda Fulinta, Waaxda Sharci Dajinta, Waaxda Garsoorka iyadoo Dastuurka Jamhuuriyada S/land Qodobka 37 aad ee Dastoorka si cad ugu Cadeeyay Qaab Dhismeedka Xukuumada S/land waana sidan .

Qodobka 37 Aad Ee Dastoorka Jamhuuriyada S/land Faqradiisa 2 Aad .

2: Dhismaha Qaranku waxuu ka kooban yahay Sadex Waaxood oo kala ah“ Xeer Dajinta ,Fulinta iyo Garsoor kala Xadaynta Awoodaha Sadexda Waaxood sida uu Dastuurka dhigayo Waax waliba Awooda Dastuurku u gaar yeelay way u Madax Banaan tahay .

Hadaba tan iyo Maalintii Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo Shaacisay Dalabka Dawlada Imaaraadka Carabtu ku doonayso in Saldhig Milatari laga siiyo Madaarka Barbera waxaana buux dhaafiyay Dhagaha Bulshada S/land Weedhaha aan Tudhaasha lahayn ee ka soo yeedhaya Xilldhibaanada iyo Siyaasiyiinta Mucaaradku iyagoo Madaxdhaqmeedka ay soo Abaabulaana la wadaagaan  Weedhaha aan Tudhaasha lahayn ee Warbaahinta kaga Weeraraan Masuuliyiinta Qaranka ballse waxaa iswaydiin mudan” Maxaa U Diiday Xilldhibaanada Iyo Siyaasiyiinta Xisbiga Wadani Ee Ka Soo Horjeeda Qorshaha Xukuumada Siiraanyo In Ay Doodooda Bud Dhig Uga Dhigaan Qodobada Distoorka Jamhuuriyada S/land iyo Xeerarka Dalka ? Maxayse Salka ku hayaan ama lagu macnayn karaa Weedhaha Wadaniyadu ka maqan tahay ee ka soo Burqanaya Xilldhibaanada iyo Siyaasiyiinta Xisbiga Mucaaradke Wadani ?Jawaabta Labada Su”aaalood waxay  u muuqdaan sida Dayax  Shan iyo Tobnaada oo kale waxaanay ku soo ururayaan in Weedhaha ka soo burqanaya Xilldhibaanada iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Xisbiga Wadani Diidmo aan Bud looga dhigin Distoorka Jamhuuriyada S/land iyo Xeerarka Dalka .

Mar kale waxaa iswaydiin mudan ma yahay Qorshaha Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ee Saldhiga Madaarka Barbara ku siinayso Dawlada Imaaraadka Carabta mid Waafaqsan Distoorka Jamhuuriyada S/land iyo Xeerarka Dalka ?

Hadiise aan ka Jawaabo Su”aasha waxaa hubaala in Qorshaha Xukuumada Siiraanyo Waafaqsanyahay  Qodobada Dastoorka Jamhuuriyada S/land islamarkaana ay si cad u Cadeeyay in Xukuumadu ay Heshiiskan oo kale Gali karto” sida Saldhiga Milatari ee Madaarka Barbara Xukuumadu ku siinayso Dawlada Imaaraadka Carabta Awood Sharciga Distoorku u siiyay Xukuumada hadiise Bulshada S/land u Iftiimiyo Qodobada Distoorka ee sida cad u Cadeeyay in Qorshaha Xukuumada Siiraanyo Waafaqsanyahay Dastoorka Jamhuuriyada S/land waana sidan.

Qodobka 12 Aad Dastoorka Jamhuuriyada Soomaali Land Faqradiisa 1 Aad 3 Aad iyo 5 Aad .

HANTIDA GUUD KHAYRAADKA DABIICIGA AH IYO WAX SOOSAARKA BEERAHA

1: Dhulku waa Hanti Guud oo ka dhexeeya Ummadda Mas”uuliyadiisana waxaa iska leh Dawlada.

3 : Xukuumadu waxay Awood u leedahay in ay yeelato ama gacanta ku hayso Hanti Guurto ah ama ma Guurto ah  Iibsato,Iibiso,Kirayso,Kiraysato ku badalato Qiimo u dhigma ama ku Samayso Tasaruf kasta si Sharciga Waafaqsan.

5: Hantida Guud ee Lahaanshaheeda iyo ka Faa”iidaysigeeda loo baahdo waxay ku Wareegi kartaa si Xeerka Waafaqsan.

Ugu Danbayn waxaan kula Talinayaa Xilldhibaanada iyo Siyaasiyiinta Xisbiga Wadani in ay Diidmadooda ay Waafajiyaan Qodobada Dastoorka Jamhuuriyada S/land oo Saldhig u ah dhamaan Xeerarka Dalka islamarkaana Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada ay Weedhaha aan Tudhaasha lahayn  ku badalaan Dood Sharci oo ay ku Diidan yihiin Qorshaha Xukuumada .

Qalinkii : Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Hargaysa S/land