Madaxweynaha Somaliya Oo Ku Dhawaaqey Cida Uu U Magacaabi Doono Raysal Wasaaraha Dalka Somaliya + Waa Kuma

Muqdisho(GNN):-Madaxweynaha cusub ee dalka Somaliya Farmaajo ayaa waxaa uu ka hadley cida uu dhawaan u macagaabi doono in uu noqdo raysal wasaaraha dalka Somaliya Muddane Farmaajo oo la weydiiyey su,aal larintaasi ku saabsan ayaa kaga jawaabay ereyo kooban Su,aasha La Weydiiyey Madaxweynaha  :- ” Waa ayo Qofka lagaa filaayo in aad u doorto Ra’iisal wasaare? Madaxweynaha ayaa ku jawaabay :- ” Qofka aan u dooranayo in uu noqdo Ra’iisal wasaaraha dowladda, waxaa uu noqonayaa, shaqsi taariiqdiisa ay ka fogtahay qabyaalad, waligiisana aan lagu sheegin musuqmaasuq, calaaladana ka shaqeeya si loo samatabixiyo dadka Soomaaliyeed.” ayuu yidhi Farmaajo .

Dhinca kale madaxweyne Farmaajo oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu intaasi ku sii daray “Cadaaladda ayaa muhiim u ah wax walba”.

Dhawaan ayaa la filayaa in Madaxweyne Farmaajo si rasmi ah u magacaabo shaqsiga noqon doona Raysal Wasaaraha dalka

Muqdisho GNN Desk