Ka Warhaynta Shacabkood Qurbejoogta Gobolka Gabiley iyo Ku Kalsoonaanshaha Hogaankooda.Qalinkii:-Ismaciil Jaamac Aar (uganda)

Waxaan Daah inaga Saarnayn In Marka La Helo Dad Isku Xidhan Qurbe-joog  Qolqol joog iyo Hogaan Daacad Ah In La Horumarin Karo Gobol iyo Degmo Kasta Hadii Dadkiisu u Kaco.

Sanadahii U Danbeeyey Waxaan Si Joogta Ah Isha Ugu hayey Sida ay Xaalad Kasta Qurbejoogta Gobolka Gabiley ula Wadaagayeen Dadkooda, hadii ay tahay Abaarta Wakhtigan ka Jirta Dalka, Dhinaca Baahiyaha Kala Duwan Ee Gobolka iyo Kaalmooyinka Ay Soo gaadhsiinayeen Maamulka Gobolka Iyo Ka Degmada Gabiley oo iyaguna Shacabka sii gaadhsiiya.

Waxaan Odhankaraa Waxay Qayb weyn Ka Yihiin Horumarka Gobolka Gabiley Ka Tisqaaday Qurbejoogta Gabiley Wadan Kasta oo ay Ku Noolyihiin Taas oo ay sabab u tahay Isku xidhanaanshaha iyo Wadashaqaynta Kalsoonida Ku Dhisan ee Maamulka Gobolka.

Maaha Markii Koowaad iyo Markii Labaad ee Qurbejoogta Gobolka Gabiley Ay si Toosa ugu soo diraan caawimooyin adeegyada Bulshada Waxweyn Ka Taray oo Lagu Diirasado, Hadii ay Tahay Cusbitaalada Qalabka Ay Ku Shaqeeyaan,  Iskuulada iyo Goobaha Waxbarashada, Dhismaha Wadooyinka iyo Garoonada, Waa Taakulo Aan La Ilaawin Karin Oo Xagga Aakhiro iyo Xag Adduunyaba Anfacaysa, Waxan Odhankaraa Kuma Koobna Waxtarka Qurbejoogta Gobolka Gabiley Deegaanka Ay Kasoojeedaan Oo Kaliya ee Waxay Ka Qayb-qaataan Dhismaha iyo Baahiyaha Dalka Ka Jira Haddii ay tahay Qaadhaan iyo Deeqo Kaleba.

Gabiley waxay qaaday dhabihii Horumarka, Walow Aaney Wali Golayaasha Sharci dajintu ansixin Gobolnimada Gabiley Haddana waxaan odhankaraa waxay kaalmaha hore kagaga jirtaa gobolada waaweyn ee dalka, haddii ay tahay dhismaha gobolka adeegyada kala duwan ee arimaha bulshada, Waxsoosaarka iyo Dhinaca dhaqaalahaba haddii aaney qaarkood kaba dhaqaale badneyn,

Gabiley Waxaa Iskagaga Danbeeyey Gudoomiyayaal Gole Deegaan Oo aad U Tiro badan Midkastaa Dedaalkiisa Aqoontiisa iyo Kartidiisa Isagoo Kaashanaya  Meelbuu wax soo gaadhsiiyey iyadoo ay Shacabku Markhaati ka yihiin Midkastaa wixii uu u Qabtay iyo Waxa Uu uu ugu Calaamadsan yahay, Hadii ay Horumar tahay iyo Hadii Ay dib u dhac Tahay.

Duruufaha Abaarta iyo Biyo La’aanta Eebe Keenay Marka Laga Yimaado Gobolka Gabiley Sanadkan 2017 Waxa Uu ugu Bilaabmay Horumar iyo Waxqabad Muuqda Oo Aan Cidna Indha Ka Qarsan karin, Iyadoo Dedaal Kasta iyo Hirgalinta hawlkastaa Ku dhisantahay Wada-Shaqayn, Isku Xidhnaansho iyo Daacadnimo  Waxaa Libinteeda iyo Sababteeda Leh Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Xiligan Maxamed Amiin Cumar Cabdi Oo Kaashanaya Xildhibaanada iyo Madaxda Kale ee Gobolka Shaqo Kasta iyo Hawlkasta oo Gobolka waxtar u ah, Taasina Waa Ta Sababtay baan Odhankaraa in Qurbejoogtii Gobolka Gabiley Kusoo dhiiradaan In Ay Bulshadooda La Wadaagaan Wixii ay Tarikaraan, islamarkaana Kalsooni buuxda Ku Qaba Maayirka iyo Maamulka kale ee Gobolka   Deeqaha Kala Duwan ee Waxa Weyn u Taraya walaalahoodna u huraan, Waxaanan Si Gaara Ugu Mahadcelinayaa Qurbejoogta Dalalka Faransiiska iyo iswidhan oo Deeqdii ugu danbeysay Oo Lagu Soo Hagaajiyey Maayirka Gabiley Usoo Hibeeyey Bulshadooda Qalab iyo adeeg wax weyn ka anfaci doona Bulshada wajaale iyo gabiley,

Waxaa Ku Amaanan Cid Kasta Oo Ka Shaqaysay Caawinta iyo Taakulaynta Bulshadooda, Waa Ajar iyo Derejo Xagga eebe uga Korodhay, Qurbejoogta Gabiley meelkasta oo ay Joogaan, iyo Maamulka Gobolka ee iyaguna u Xilsaaran Gaadhsiinta iyo Qaybinta Deeqaha Kala duwan.

Hogaaminta Wanaagsan ee Ka Fog Eexda Qabyaalada iyo Musuqmaasuqu Waata Salka U Ah Dhismayaasha iyo Horumarinta Baahiyaha Bulshadu Qabaan oo Waxbadani iska Bedeleen.

Waxan Leehay Qurbejoogta Gobolka Gabiley Waxaad Tihiin Tiir Uu Ku Faanayo Gobolku, oo guta waajibaadkoodii Wadanimo iyo Walaalonimo.

Wa Bilaahi Tawfiiq

 

Qalinkii:-Ismaciil Jaamac Aar (uganda)

Ismailaar2000@gmail.com