Kooxda Xidigaha Geeska Iyo Saxafiyiinta JSL Oo Fooda Isku Daridoona Hargeisa Staduim,Ciyaar Qaadhaan Loogu Ururinayo Abaaraha.

“Gudida Qaban-qaabada Oo Shaacisay Wakhtiga Ay Ciyaartani Qabsoomi Doonto”

Kullan Ciyaareed kubadda cagta ah oo noociisa hore loo arkin ayaa ay fooda isku dari doonaan kooxda fanka ee Xidigaha Geeska iyo Suxufiiyinka Kala duwan ee kahawl gasha warbaahinta Somaliland. Kulankan ayaa ah mid qaadhaan loogu ururinayo dadka tabaalaysan ee abaaruhu saameeyeen, iyadoo ka qabsoomi doonta garoonka Hargeysa Stadium.

Haddaba gudida qaban qaabada ciyaartan oo ka kooban labada dhinac ee tartami doona ayaa Wargeyska Geeska Afrika uga waramay sida ay ciyaartan ugu tallo-galeen, wakhtiga rasmiga ah ee ay dhici doonto iyo arimo kale oo khuseeya Ciyaartan.

Maxamed Ciise Aadan oo kamid ah gudidan, kana mid ah kooxda suxufiyiinta ayaa noo cadeeyey inay rabaan kulankan mid ay bulshada Ku dhaqan caasimadu kasoo qayb galaan, iyadoo qaadhaan loogu ururin doono dadkeena tabaalaysan ee abaaruhu saameeyeen, isla markaana ay wada ciyaari doonaan kooxda Xidigaha Geeska iyo Suxufiyiinta kahawl gala Warbaahinta kala duwan ee dalka.

Dhanka kale waxa uu noo xaqiijiyey wakhitiga ay kuwadaan inay dhacdo ciyaartani“markii hore waxaanu rabnay inay dhacdo 17 bishan maalinka Jimcaha balse diyaar garaw aanu labadayada dhinacba u baahanay, sidaas darted waxaanu kulanka ciyaari donaa 24 bisha oo Maalin Jimce ah ku began” sidaas ayuu noo xaqiijiyey Maxamed Ciise. Sidoo kale waxa uu noo sheegay inay shaxda rasmiga ah ee kulankan u matali doona soo bandhigi doonaan dhawaan.

Dhanka kale waxaanu la xidhiidhnay Kabtanka kooxda u safan doonta Xidigaha Geeska Abokor Axmed (Diino) kaasoo noo sheegay inay koox ahaan diyaar yihiin, iyagoo sameeya tabobar ay ugu diyaar garoobayaan kulankan, markasta ay diyaar u yihiin kaqaby galka kulamada noocan oo kale ah. Mar’aanu wax kawaydiinay shaxda ay garoonka lasoo gali doonaan, waxa uu yidhi; “Koox ahaan, xidigaha Geeska waxa kujira ciyaartooyo badan oo kubada ku caan ahaa, dhamaan cida noo ciyaari doonta ama aanu garoonka lasoo gali doonaa waa Fanaaniinta aad wada taqaanaan, kuma jiraan cid kale qudhayada ayaaba isku badan, tabobar aanu ugu diyaar garoobaynana waanu wadnaa”.

Ugu dambayntiina waxay gudida ciyaartani ugu baaqday bulshada reer Hargeysa inay kasoo qayb galaan kulankan si qaadhaanka walaalahooda abaaraha la tabaalaysan loogu ururiyo mucaawimo.

Kulankan ayaa noqon doona mid aad u xiiso badan, waxaana  laga dhursugi doonaa bal cida guushu raacdo.