Maxkamadda degmada Laascaanood ayaa Go’aamo kasoo saartay gabadh lagu muransanaa guurkeeda in muddo ah,Waxaana gabadhan ay ahayd markii hore gabadh uu ka dhintay odaygeedii alla haw naxariistee,intaas ka dibna ehelka marxuunkii geeriyooday ayaa qorsheeyey in gabadhan la dumaalo oo la siiyo nin ay ehel yihiin marxuunka geeriyooday,balse gabadhan ayaa iyadu arrinkaa ku gacan saydhay iyada oo ku sababaysay in ay madax banaan tahay diyaarna aanay hadda u ahayn guurka ninkaasi ay ehelka yihiin odaygeedii hore,haddana ay guursanayso nin kale madaama oo ay madax banaan tahay.
Gabadhan guurkeeda muranku ka taagnaa ayaa ka hadashay dareenkeeda ku aadan xukunkan ay maxkamaddu soo saartay isla markaana ay ku kala jihaysay labadan dhinac ee muranku ka dhaxeeyey waxaana ay tidhi iyadoo arrinkaasi ka hadlaysa.
“Maxkamadda sharfa leh waxay soo saartay oo ay warqado noogu kala saxeexday in aan bari ahay oo aan madax banaanahay qoyskaasina aanay arrinkayga waxba kusoo darsan Karin,waaan ku qanacsanahay go;aankan maxkamadda,dumaashuna dhib badan ayay leedahay”sidaas ayey tidhi.