Real Madrid Oo Santiago Bernabeu Guul Soo Laabasho Ah Ka Gaadhay Napoli, Saddex Xidig Oo Los Blancos Ah Oo Shabaqa Soo Taabtay Iyo Napoli Oo Ay Rajadeedu Ku Xidhan Tahay Kulanka Garoonkeeda.

Real Madrid ayaa guul soo laabasho ah garoonkeeda Santigo Bernabeu kag gaadhay kooxda Napoli oo bilawgii kulankan gool ku hormartay. Karim Benzema, Toni Kroos iyo Carlos Casemiro ayaa Los Blancos ka caawiyay in ay dhinaca kale u dhigto gool uu  Lorenzo Insigne dhaliyay bilawgii ciyaartan.

Real Madrid ayaa guushan ku gaadhay 3:1 waxayna fursad wayn u haysataa in ay  kulanka lugta labaad u soo bixi karto wareega xidig ee sideed dhamadka Champions leaque-ga, balse Napoli ayaa muujisay in kulanka lugta labaad aan la dhayalsan karin isla markaana ay xaalad xun ku abuuri karto kooxda Zidane.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

REAL MADRID(4-4-3): Navas; Carvajal, Varane, Ramos, Marcelo; Modric, Casemiro, Kroos; James, Benzema, Ronaldo.

KAYDKA: Pepe, Nacho, Casilla, Kovacic, Vazquez, Morata, Isco.

NAPOLI(4-3-3): Reina; Hysaj, Albiol, Koulibaly, Ghoulam; Zielinski, Diawara, Hamsik; Callejon, Mertens, Insigne.

KAYDKA:Rafael, Giaccherini, Allan, Jorginho, Maggio, Maksimovic, Milik.

Napoli legend Diego Maradona prepares to take his seat with the Argentine dressed in a suit with light blue shirt and tie

The two managers enjoy a warm embrace prior to kick-off with Napoli boss Maurizio Sarri welcomed to the Bernabeu

DAQIIQADII 8 AAD GOOOOOOOOOOOL! Napoli ayaa gool kaga hormartay kooxda martida loo ahaa ee Real Madrid waxaana goolkan u saxiixay  Lorenzo Insigne kadib markii qaab qurux badan weerar fiican u soo qaadeen waxaana caawinta goolkan sameeyay Marek Hamšík, waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Napoli hogaanka ciyaarta ku qabtay.

Lorenzo Insigne sparked celebrations among the 10,000-strong travelling supporters within the Santiago Bernabeu

Insigne caught Keylor Navas by surprise by taking his shot from outside of the box early after Marek Hamsik's through-ball

The Real Madrid players look shell-shocked having fallen behind to an early goal despite dominating the early stages

DAQIIQADII 18 AAD GOOOOOOOOOOL! Karim Benzema ayaa kooxdiisa Los Blancos culayska wayn ee saarnaa ka dulqaaday kadib markii uu gool madax ah oo cajiib ah uu ku dhaliyay karoos aad u fiican oo uu Daniel Carvajal soo sameeyay, waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1:1 ah.

Karim Benzema restored parity within 10 minutes of Napoli going ahead with a header from Dani Carvajal's sublime cross

Inkasta oo ay Real Madrid si gaabis ah ciyaarta ku bilaabtay ayay horumar fiican garoonka ku dhex saysay waxayna iska lumisay fursado fiican oo ay hogaanka ciyaarta kula wareegi kartay intii aan la gaadhin qaybtii h–e ee kulankan. Napoli ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed fiican balse  dhamaystirkooda ayaa ahaa mid aan fiicnayn. waxaana qaybtii h–e ee kulankan lagu kala nastay barbaro 1:1 ah.

Insigne looks to cause problems down the Napoli left as Real Madrid manager Zinedine Zidane watches on from the sidelines

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Real Madrid la soo kala baxday khibradeeda iyo saamaynta ay ku leedahay Champions Leaque-ga waxayna dhibaato wayn ku abuurtay kooxda martida u ahayd ee Napoli oo bilawgii kulankan goolka ku hormartay.Raphael Varane rises above his team-mate Ronaldo to get up and plant a header towards goal by the ball was glanced wide

DAQIIQADII 49 AAD GOOOOOOOOOOOL! Real Madrid ayaa markeeda goolka labaad ku hormartay waxaana goolkan Madrid u saxiixay xidiga khadka dhexe ee Toni Kroos kaas oo si fiican u dhamaystiray kubbada uu caaawinteeda lahaa Cristiano Ronaldo kaas oo si qurux badan u soo garaacay difaaca Napoli ee Koulibaly, waxayna ciyaartu noqotay 2:1 ay Los Blancos dhinac kale ugu dhigtay goolkii looga hormaray.

Toni Kroos celebrates his well-taken goal that gave Madrid the lead on the night within four minutes of the second half

Germany international Kroos wrong-foots Pep Reina to slide the reigning champions into the lead in the Spanish capital

Kroos stroked Madrid into the lead just four minutes into the second half after being found brilliantly by Ronaldo on the edge

DAQIIQADII 54 AAD GOOOOOOOOOOOOL! Alla muxuu gool ahaa!! Carlos Casemiro ayaa darbo cajiib ah ku dhirbaaxay goolka Napoli isaga oo goolhayaha ree Spain ee Reina u diiday in uu rajeeyo wax gool badbaadin ah wuxuuna ahaa gool Real Madrid ka caawiyay in ay si buuxda natiijada ciyaarta dhinaceeda ugu soo wareejiso, waxayna ciyaartu noqotay 3:1 ay kooxda Zidane hogaanka ugu dheeraysatay.Casemiro scored a contender for goal of the season in the Champions League as Real Madrid beat Napoli on Wednesday night

Casemiro had only scored twice for Real prior to Wednesday and the Brazilian is unlikely to score a better goal in his career

Napoli ayaa si adag uga shaqaynaysay in ay markeeda ciyaarta dib guu soo laabto laakiin waxay iska lumiyeen fursado fiican balse sidoo kale Real Madrid ayaa heli kartay in ay goolal badan dhashan karto isla markaana ay xaalada ku sii xumayn kartay Napoli ka hor kulanka lugta labaad ee Talyaaniga ka dhigi doonta.

Madrid will hope to finish off the job when the sides renew their last 16 battle on March 7 at the Stadio San Paolo in Naples

Si kastaba ha ahaatee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3:1 ay Real Madrid ku gaadhay guul soo laabasho ah balse Napoli aya muujisay in ay awood u yeelan karto in kulanka lugta laabad ay xaalad adag ku abuuri karto Los Blancos. Real Madrid ayaa haysta faa’iido aad u fiican si ay u soo gaadho sideed dhamaadka koobka ay difaacanayso.