Wasiir Farxaan-ka Duulista oo Waji-Gabaxii ugu Horreeyay Kala Kulmay Fadhi uu la Yeeshay Xildhibaano uu Taageero uga Doonayey Saldhiga Milateri ee Berbera

Hargeisa(GNN):-Wasiirka Duulista Somaliland Farhan Aadan Haybe, ayaa kulan xalay la qaatay Mudaneyaasha Baarlamanka ee ay isku Beesha yihiin, kulankaas oo qabanqaabadiisa uu Wasiirku lahaa, ayaa la sheegay in ujeedadiisu ahayd sidii uu taageero ugu helin lahaa meel-marinta mashruuca kiraynta Madaarka Berbera. Warar shebekaddaGABILEY NEWS  ka heshay ilo lagu kalsoon yahay, ayaa lagu sheegay in kulanka labada dhinac uu ka dhacay guri uu leeyahay Xildhibaanada ka tirsan Golaha Wakiilada.

Wasiir Farhan oo ah Nin ku cusub fagaarayaasha iyo shoofeernimada siyaasadda Haybe Somaliland, marka laga reebo faqa-hoose. Waxa xogaha qaarkood sheegeen markii hadalku bilaabmay inay fadhigii ka kaceen dhawr Xildhibaan oo uu kamid yahay Xildhibaan Waabeeye, halka qaarna ay ku doodeen inaan Inanka (Wasiirka) fadhiga lagaga kicking, hase-yeeshee, la dhegaysto fikirkiisana uu markaa dib ugula noqdo Cidii Arrimahan ay Ka Sinaayeen ee Wadday Qorshaha Saldhigan Milateri.

Gabiley News Network

Somaliland