Hargeysa(GNN)-Wararka saaka naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle ayaa waxay sheegayaan in ay wali cakiran tahay oo aan xal laga gaadhin xaalada ka taagan magaalada Buuhoodle oo ay ciidamo maleeshiyaad ah isla markaana ay quudiyaan maamulka Puntland ay u diideen horjoogaha kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galadh iyo waftigii uu hogaaminayey ee dhawaan dalka Jabuuti kaga qayb galay wada hadaladii halkaasi uga furmay dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo inay gudaha usoo galaan magaalada Buuhoodle iyaga oo xidhay garoonka diyaaradaha ee magaalada Buuhoodle.
Waxaana ujeedada socdaalkan uu daaran yahay sidii uu usoo kormeeri lahaa xaalada dad iyo duunyo ee deegaanadan oo ay isku bahaysteen colaado sokeeye iyo abaaro baahsan, iyo waliba sidii uu ula soo kulmi lahaaa madax-dhaqameedka deegaanadaasi oo ugala soo hadli lahaa xaaladan ka taagan magaalada Buuhoodle.
Xaaladan amni darro ee kasoo korodhay magaalada Buuhoodle iyo fara galintan qaawan ee ay deegaanada Somaliland ku hayaan maamulka Puntland Ayaan la garanayn halka ay ku danbayn doonto.