Xukuumda Somaliland Oo Farta ku Fiiqday Qaban-qaabiyeyaasha Mudaharaad Liddi Ku Ah Masaalixda Dalka Oo Laga Iclaamiyay Ingiriiska.

Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa daboolka ka qaaday in mudaharaadka lagaga soo horjeedo heshiiska saldhigga Millatari ee laga sameynayo Berbera, ay fikradiisa keeneen masuuliyiinta safaarada Soomaaliya ee Ingiriiska, kuwaasi oo gacan-saar la leh kooxo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland, hase ahaatee aaminsan riyadii dhimatay ee Soomaali-weyn.

Waxa kaloo Madaxtooyadu sheegtay inay la socoto xarakaadka dawladda Muqdisho oo ay ku eedeysay inay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay inay dhaawacdo nabadda iyo dawladnimada aan caalamku waxba ku darsan ee ka jirta Somaliland.

Sidaasna waxa sheegay Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Md. Xuseen Aadan Cigge (Deyr) oo xalay waraysi gaar ah siiyay Tifaftiraha guud ee wargeyska Dawan, Cumar Maxamed Faarax, waxaanu waraysigaasi qurbajooga Somaliland ee ku dhaqan UK ku booriyay inay ka dhiidhiyaan isku-day kasta oo lagu waxyeelaynayo masiirka dalkooda hooyo.

Afhayeen Xuseen Deyr oo la weydiiyay cidda xukuumadda Somaliland u aragto inay qaban qaabinayso mudaraharaadka London laga iclaamiyay ee ka dhanka ah heshiiska saldhigga Millatari ee Berbera, waxaanu ku jawaabay;”Xukuumad ahaan waxaanu la soconaa isla markaana aanu si weyn isha ugu haynaa abaabulka Mudaharaado guud ahaanba ka dhan ah Qaddiyadda Madaxbanaanida, jiritaanka iyo horumarka ay ku talaabsatay Somaliland. Mudaharaadkaa waxaa la doonayaa in laga hordhigo Safaaradda Dawladda Imaaraatku ay ku leedahay Magaalada London, waxana abaabulaya ama dabada ka riixaya Safaaradda Xukuumadda Xamar u fadhida Magaalada London oo gacan saar iyo wada shaqayn dhawba la leh xubno asal ahaan u dhashay Somaliland oo iyagu si weyn u aaminsan una ololeeya fikirka Federaaliga ah, balse haatan foodsaar ka dhiganaya arrinta Saldhiga Millatari ee Dawladda Imaaraatku ka hirgelinayso Berbera, balse leh ujeedo fog iyo ajenda dhagaraysan oo lagu waxyeelaynayo qarannimada iyo qaddiyadda Madaxbanaanida ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

“Waxa xusid mudan in Somaliland ay leedahay cadow badan (gudaha iyo dibaddaba) iyo xoogag mar walba xusul-duub ugu jira sidii ay u carqaladayn lahaayeen nabadda, xasiloonida, wada-jirka, dimuqraadiyadda iyo horumarka ay Somaliland kaga caan baxday qaaradda Afrika iyo Dunida kaleba. Xukuumad ahaan waxaanu Muwaadiniinta qiimaha leh ee reer Somaliland ee ku nool dalka Ingiriiska ku baraarujinaynaa in ay ka digtoonaadaan si dhab ah oo shuruucda waafaqsana uga dhiidhiyaan talaabo kasta oo ka dhan ah Qaranimadeenna ama lagu wiiqayo talaabooyinka horumarka ah ee uu qarankeenu qaaday,”ayuu yidhi Afhayeenku.

Md. Xuseen Deyr, waxa uu sheegay in loo baahan yahay in shacabka Somaliland ee ku nool UK ay dawladda imaaraadta carabta u muujiyaan siday u taageersan yihiin heshiisyada ay la gashay Somaliland, waxaannu yidhi; “Haddiiba ay dhacdo in xukuumadda Soomaaliya iyo dadka u ololeeya fikirka Federaaliga ah ee horumar-diidka ahi ay dhigaan mudaharaadkaa lagaga soo horjeedo Saldhiga Millatari ee Dawlada Imaaraatku ka hirgelinayso Berbera, Jaaliyadaha waaweyn ee Somaliland ee ku nool dalka Ingiriiska waxa iyagana u bannaan inay Safaaradda Dawladda Imaaraatka ee London ka hor dhigaan Mudaharaad Salmi ah oo lagu taageerayo Talaabooyinka taariikhiga ah ee ku dhiiratay dawlada aynu walaalaha nahay ee Imaaraatka carabtu. Waa inaynu Dawladda Imaaraatka carabta u muujino sida ay Ummadda Somaliland ee ku nool gudaha iyo dibeddaba, gaar ahaan UK ay u taageersan yihiin Maashaariicda horumarineed ay Somaliland ka hirgelinayso, sida mashruuca DP World & Berbera Investment iyo Saldhiga Millatari ee dawlada Imaaraatku ka hirgelinayso marinka caalamiga ah ee Istaraatijiga ah ee Berbera.”

Afhayeenka Madaxtooyadda oo ka jawaabayay su’aal ahayd haddii mudaharaadka lagu naqdiyayo heshiiska saldhigu uu ka dhaco Ingiriiska, cawaaqibka ka dhalan kara, waxaanu sheegay in aanu siyaasiyan waxba u dhimaynin horumarka Somaliland mudaharaad ay soo abaabushay Soomaaliya.”Waxaan ku kalsoonahay in Mudaharaad kasta oo ay dhigaan Xukuumadda Soomaaliya iyo dadka asal ahaan ka soo jeeda Somaliland ee u ololeeya fikirka Federaaliga ah ama horumar-diidka ahi aanay haba yaraatee siyaasad ahaan, sharci ahaan iyo dhaqaale ahaan toona waxba ka bedeli doonin Heshiisyada iyo Mashaariicda Caalamiga ah ee JSL la gasho dalka UAE iyo dunida kaleba,”ayuu ku dooday Afhayeenka Madaxtooyadda.

Md. Xuseen Deyr oo aanu weydiinay waxa ay kala socdaan safarka madaxweynaha Soomaaliya ee Sucuudiga oo la sheegay inay qayb ka tahay isku-day lagu carqaladeynayo heshiiska saldhigga millatari, waxa uu arrintaas kaga jawaabay “Xukuumad ahaan waxaanu la soconaa in Xukuumadda ka talisaVilla Somaliaay si toos ah iyo si dadbanba gacanta ugula jirto arrimo ka dhan ah nabadda, Wada-jirka, Horumarka, danaha dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ee qaranka Somaliland. Heshiiska ay Dawladda Imaaraatka Carabtu Saldhiga Millatari kaga dhisanayso Marsada Berbera Xukuumadda Xamar waxay geed dheer iyo mid gaabanba u koraysaa sidii ay uga hortagi lahayd, dareenkaasina ma aha mid naga qarsoon. Laakiin, Xukuumadda ka talisaVilla Somaliawaxaanu leenahay: ‘Shacabka iyo dawladda Somaliland cidina uma yeedhiso sida ay doonayaan iyo waxa ay yeelayaan. Annaga ayaa leh go’aaminta halka ay ku jiraan danaha iyo maslaxadaha ummaddayadu. Hurumarinta dalkayaga iyo Heshiisyada aanu cid kale la gelayno haba yaraatee maaha mid xukuumadda Soomaaliya loo daba fadhiisanayo oo meeli uga bannaan tahay ama wax laga weydiinayo.”

Sources DAWAN.