Xaalada Buuhoodle Oo Wali Cakiran Iyo Cali Khaliif oo Saaka Safar Ugu Baxay Deegaano Sool Ka Tirsan Iyo Ujeedada Socdaalkiisa

Waxaana Cali Khaliif Galaydh iyo waftigan markii loo diidey inay gudaha u galaan magaalada Buuhoodle ay dageen magaalada Widh-widh,waxaana horjooge Cali Khaliif Galaydh sida ay wararku nagu soo gaadhayaan uu magaalada Buuhoodle u direy odayaal iyo waxgarad kala duwan kuwaas oo ujeedada socdaalkoodu ay ahayd sidii ay usoo xalin lahaayeen Mooradan cakiran ee ka taagan magaalada Buuhoodle iyo waliba sidii ay  ula kulmi lahaayeen odayaasha iyo waxgaradka ciidamadan Maleeshiiyaadka ah ee jidgooyada u galay Horjooge Cali Khaliif Galaydh iyo waftigiisa ee ay dabada ka riixayaan maamulka Puntland,.Weftiga ayaa isku dayey in ay la kulmaan kooxdii garoonka xidhay cuqaashooda iyo madax-dhaqameedkooda si ay ugala xaajoodaan ama ay u xalliyaan arimaha amni xumada keenay ee deegaanka ku soo kordhay, balse waa ay waayeen waxaana ay kala kulmeen waji gabax,sidoo kalena waftigan madax-dhaqameedka ah ayaa isku dayey inay la kulamaan ciidamadan balse ciidamada ayaa u hanjabay madax-dhaqameedkan,waxaana wali cakiran oo aan xal laga gaadhin xaaladan amni daro ee kasoo cusboonaatay magaalada Buuhoodle.Dhanka kalena wararka Saaka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ayaa waxay sheegayaan in horjoogaha Kooxda Khaatumo uu saaka safar ugu baxay deegaano ka tirsan gobolka Sool oo ay kamid yihiin sida naloo sheegay deegaanada balli-hadhac, Xidh-xidh,Dhuumay iyo deegaano kale oo ka tirsan sool.

Waxaana ujeedada socdaalkan uu daaran yahay sidii uu usoo kormeeri lahaa xaalada dad iyo duunyo ee deegaanadan oo ay isku bahaysteen colaado sokeeye iyo abaaro baahsan, iyo waliba sidii uu ula soo kulmi lahaaa madax-dhaqameedka deegaanadaasi oo ugala soo hadli lahaa xaaladan ka taagan magaalada Buuhoodle.

Xaaladan amni darro ee kasoo korodhay magaalada Buuhoodle iyo fara galintan qaawan ee ay deegaanada Somaliland ku hayaan maamulka Puntland Ayaan la garanayn halka ay ku danbayn doonto.