246 Qof Oo Ku Dhintay Daadad Ku Soo Rogmaday Dalka Zimbabwe

Daadad ayaa koonfurta iyo koonfurta galbeed ee dalka Zimbabwe ku dilay 246 qof, islamarkaana guryo la’aan dhigay laba kun oo qof oo kale, tan iyo bishii December ee sanadkii tagay.7EADCFCA-6383-461F-BC55-9AF8B615EE6B_w1023_r1_s

Dowladda lacag la’aanta ay hayso ee dalkaasi ayaa ka codsaneysa beesha caalamka inay gargaar lasoo gaarto, si kaalmo ay uga geystaan wax ka qabashada khasaaraha ay sababeen daadadkan.

Saraakiisha dalkaas ayaa sheegay in waddooyin iyo buundooyin ay xaaqeen daadadka, taasi oo xaafado qaar ka goysay xaafadaha kale ee ku dhow.

Zimbabwe ayaa waxa ay billaabeysay inay kasoo baxdo laba xilli oo abaaro xooggan ah, waxaana hadda daligii beeraha burburiyey daadkii ku dhuftay.

Hay’adda QM ee UNICEF ayaa sheegtay sanadkii tagay in Zimbabwe ay wajaheysay heerkii ugu xumaa ee macluusha caruurta ee ay aragto muddo 15 sano ah.