Alle Ha Naxariistee Waxaa Xaley Magaalada Hargeisa Ku Geeriyooday Maxamed Faarax Xirsi Oo Kamid Ahaa Bahda Fanka.

Hargeisa(GNN):- Alle Qabriga Ha nuuree Waxa Caawa Ku geeriyooday magaalada hargeisa Fanaankii Weynaa ee Maxamed Faarax Xirsi oo kamid ahaa rukumada Fanka Somalida.

Marxuumka Ayaa Muddoba Ujiifay Xanuun Waxaana Caaawa uu Ku geeriyooday Magaalada Hargeisa,

Maxamed Faarax Xirsi Alle ha U naxariistee Ayaa Ahaa Dadka Quyar Socodka ah ee Tiirarka u Ah fanka Somalida, isagoo Ahaa Fanaan Ku Luuqeeya Heeso Badan Oo dhinaca Wacyigalinta Waxbarashada iyo Arimaha Bulshada  Ah, Sidoo Kale Waxa Uu Ahaa Ragga Aqoonta U Leh Sameynta Laxamada Ama Codadka Heesaha Kala Duwan, Waxaana Uu kasoo Qayb-qaatay Riwaayado Farabadan Oo Lagu kala Dhigay Wadamo Badan,

Waxaana Wakhtigii Ugu Danbeeyey Uu kamid Ahaa Masuuliyiinta Ka Tirsan Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigalinta Somaliland, Isagoo Inta Badan Aad Uga Shaqayn Jiray Habaynta iyo isku Dubaridka Riwaayadaha Kala Duwan ee Bulshada Lagu Wacyigalinayo.

Dhammaan Shaqaalaha Shabakada Gabiley News Network Waxay Tacsi U Dirayaan Ehelka Iyo Qaraabada Uu ka Baxay Marxuumku, Waxaanay Ilahay uga Baryayaan Inuu Samir Iyo Iiman Ka Siiyo Dhamaan Shacabka Somaliland ee Uu ka Baxay Gaar Ahaan Ehelada Marxuumka.

Alle Ha U Naxariisto Qabrigana ha U nuuro Aaamin Aamin