Guddidii Shalay Loo Saaray Kasoo Talo Bixinta Muddo Kordhinta Xukuumadda Loo Samaynayo Oo Maanta Kulan Yeelanaya Xildhibaano Kala Aragti Duwan Oo Ku Wada Jira Guddida Iyo Su’aalaha  Ku Gadaaman

Guddigan oo ka kooban 21 xildhibaan ayaa waxa ay maanta yeelanayaan kulankoodii ugu adkaa oo ay ku rog-rogayaan isla markaana ay ku eegayaan muddada loo kordhin karo xukuumadda madaxwayne Siilaanyo wallow uu  madaxwaynuhu usoo gudbiyey wakhti ay isla qaateen isaga,saddexda xisbi iyo guddiga komishanku oo ah in doorashada la qabto 10.10.2017 isla markaaan dib loo dhigay doorashada muddo Lix Bilood  ah.

Waxaana guddigan 21-ka xildhibaan ah laga doonayaa inay go’aankooda ugu danbeeya inay golaha horkeenaan maalinka Isniinta oo barri ku beegan,waxaana xildhibaanadan ay iskugu jiraan kuwo isku aragtid ah iyo kuwo kala aragti duwan taas oo ay adkaanayso in ay xildhibaanadu isku mab’da noqdaan.

Xildhibaanadan ayaa qaarkood waxay doonayaan in xukuumadda muddo xileedkeeda loo kordhiyo muddo Hal Sano iyo wax ka badan ah halka ay kuwo kalena doonayaan in aan la dhaafin lana ixtiraamo wakhtiga uu madaxwaynuhu soo gudbiyey ee uu codsaday in la ansixiyo isla markaana ay isla qaateen saddexda dhinac,waxaana taas ay ku adkaanaysaa guddigan in ay maalinka barri ah golaha horkeenaan go’aan ay iskula waafaqsan yihiin.

Dhanka kalena ilaa xalay waxa socday sida xoguhu noo sheegeen kulamo ay masuuliyiinta xisbiyada qaranku ay la qaadanayeen xubnaha ku jira guddigan 21-ka xildhibaan ah ee loo xil saaray kasoo talo bixinta muddo kordhinta loo samaynayo xukuumadda waxaana ay masuuliyiinta xubnahan ku qancinayaan in ay ku adkaystaan isla markaana ay ixtiraamaan wakhtigaas madaxwaynuhu usoo gudbiyey golaha iyaga oo taas badalkeedana la sheegay in loo balan qaaday in la siinayo qadar lacag ah hadii ay ku guuleystaan in ay  golaha ku qanciyaan in la ansixiyo muddada madaxwayne Siilaanyo usoo gudbiyey ee ah in doorashada la qabto 10.10.2017.

Sidoo kale waxa iyaduna taas barbar socota in wasiiro ka tirsan xukuumadda madaxwayne Siilaanyo oo iyagu u ololaynaya in golaha guurtidu ay u kordhiyaan xukuumadda muddo ka badan ta loo soo gudbiyey ay xalay kulamo la qaateen xubno ka tirsan guddigan iyaga oo usoo bandhigay in ay xubnaha kale ku qanciyaan in la kordhiyo doorashada muddo hal sano iyo wax ka badan ah taas badalkeedana ay u ballan qaadeen wasiiradani in ay siinayaan xildhibaankiiba qadar lacaga oo dhan 2000$ (Laba Kun Oo Dollar).

Gabagabadiina guddigan loo xil saaray kasoo talo bixinta muddo kordhinta xukuumadda loo samaynayo ayaa iyaga laga warsugayaa go’aanka ay isla qaataan ee ay usoo gudbiyaan golaha maalinka barri ah ,waxaana loo wada dhag taagayaa muddada ay  golaha guurtidu u kordhiyaan xukuumadda.