Kala Duwanaanshaha Qaabka Uu Gudoomiye Saleebaan U Galay Labadii Ajande Ee Saldhiga Milateri Iyo Muddo Kordhinta 

Fadhigaas wada jirka ah oo uu marka hore madaxwayne Siilaanyo u jeediyey khudbadd sanadeedkiisii ayaa waxa uu hadalkiisa kusoo gunaanaday in lasoo ansixiyo heshiiskaasi oo uu u igmaday in wasiiro xukuumaddiisa ka tirsan sii faah-faahiyaan,laakiin arrintaas waxa ay keentay dood sharci oo la xidhiidha cidda awood u leh ansixinta heshiisyada dabeecaddan leh iyo muran siyaasi oo ilaa hadda aan dhamaan.

Waxa taas kasii dood badnayd qaabkii uu gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan u gudoomiyey fadhigaasi oo su’aalo badan dhaliyey gaar ahaana marka la eego xildhibaano badan oo uu gudoomiyuhu u diiday in ay aragtidooda ka yidhaahdaan heshiiska saldhigaasi Milateri iyo kuwo ay amarkiisa ciidamadii goobta ku sugnaa ay xoog kaga saareen golaha.

In Saldhiga Milateri dal la siiyaa ma aha arrin ugub ku ah dunida waa se  arrin leh muhiimadyo miisaan culus maadaama oo ay la xidhiidho masiirka umaddeed ,isla markaana ay taabaynayso nolosha, dhaqaalaha iyo amaanka dalkaba,sidaa awgeed waxa ka muuqatay in culays ay u baahnayd arrintaasi aanu siinin gudoomiye Saleebaan Fadhigaasi uu hogaaminayey in khudbadii madaxwaynaha kadib la daba geeyo ansixinta heshiiskan.

Taas badalkeeda fadhigii shalay ee golaha guurtida oo uu gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan soo hor dhigay qorshaha muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda madaxwayne Siilaanyo waxa uu siiyey culays iyo muhiimad qaran oo gaadhsiisan heer aad u sareeya,hadii aanay dadka qaar kuba tilmaami Karin mid intiisa laga wayneeyey,waxa uu guddiga joogtada ah faray in ay qoraal ku keenaan talo bixintooda sidoo kalena waxa uuu gudoomye Saleebaan arintan u saaray guddi xubnaheedu afar meelood meel ka noqonayaan tirada guud ee golahiisa,isaga oo ku doortay in loo baahan yahay in cid kastaa iska dhex aragto.

Labadan  miisaan ee labadan qaddiyadood ku leeyihiin dalka marka la eego waxa muuqanaysa in ugu yaraan xaaladda iminka uu ka hore ka miisan culus yahay kana saamayn badan yahay muddo kordhinta oo ah xaqiiqo ina hor taala oo ay muuqato in aanay dorashadu wakhtigeeda ku dhacayn.

Sida laga warqabo murrashaxiinta xisbiyada oo uu ku jro xisbiga talada hayaa waxa ay si midaysan isula qaateen muddo kordhin ay xitaa wakhtiga loo baahan yahay isla qiyaaseen waxa isaguna arrintaasi taageeray madaxwayne Siilaanyo oo ay la hortageen heshiiskooda halka komishanka doorashooyinkuna hore u caddeeyeen in aanay iyaga dhinacooda waxba ka qabyo ahayn marka ay sidaa tahay waxa muuqanaysa in qaddiyadda muddo kordhintu ay ka miisaan yaraanayso tii ansixinta heshiiska saldhiga MIlateri ee Imaaraadka .In gudoomiye Saleebaan uu ajandaha muddo kordhinta ee golahiisa hor yaala qaabkaas miisaanka badan u galaa waxa ay ka dardaar warinaysaa in uu run noqon karo dooda ay dad badan qabaan ee sheegaysa in uu gudoomiyuhu ku shaqanayo sidii muddada loo kordhinayo golaha xukuumaddu uu uga badan lahaa inta ay xisbiyada iyo xitaa madaxwaynuhu ay usoo gudbiyeen ee ay isla qaateen oo ahayd muddo Lix Bilood ah.

Hadii ay sidaas u dhacdana waxa muuqanaysa in gudoomiye Saleebaan oo mudooyinkii danbe aad loogu canaananayey in uu doonista xukuumadda ku shaqeeyo uu markaasi  raacay damaca ay qabaan dad badan oo kamid ah xukuumadda oo ah lix bilood ay ku yar tahay sii fadhigooda kursiga.

Mid ay tahayba maalmaha yar ee soo socda waxa ay mar kale muujin doonaan sida uu  gudoomiye Saleebaan u galo arrinta muddo kordhinta oo durba siyaasadda uu ku hagay su’aalo dhalisay.