Kuuriyada Waqooyi Oo Gantaalo Nuclear Ah Tijaabisay Iyo Masaafada Ay Gaadhi Karaan

Pyongyang (GNN):- Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabiysay qalab cusub oo awood badan,

kaasoo matoor u noqonaya gantaallada sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Image may contain: sky and outdoor

 Hogaamiyaha dalkaasi, Kim Jong-un, oo tijaabadaasi daawaday ayaa ku tilmaamay mid guul ah

 

Warbaahinta Qaran ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in tijaabadan cusub ay muujineyso hormarka ballaaran ee uu dalkaasi ka gaaray tiknoolajiyadda gantaallada.

Khubarada dibedda ayaan weli waqti u helin in ay si buuxda u qiimeeyaan tijaabadaasi, balse tijaabooyinkii hore ee uu dalkaasi sameeyay ayaa muujinayay hormar.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka, Rex Tillerson, oo hadda booqasho ku maraya dalka Shiinaha ayaa dalalka gobolkaasi gaar ahaan Japan iyo Kuuriyada Koonfureed kala hadlay qaabkii xukuumadda Pyongyang looga horjoogsan lahaa, in ay samaysato hub nukliyeer ah oo wax ku ool ah.

Waxa uu ku nuux nuuxsaday in dalkaasi ay ka qaadi doonaan tallaabooyin adag, balse ma aanu qeexin sida ay siyaasadda cusub ee Maraykanka uga duwanaan doonto kuwii hore ee ku guuldaraystay in ay Kim Jong-un ku qanciyaan ka haridda hamigiisa nukliyeerka.

Kuuriyada Waqooyi ayaa shan goor tijaabisay hubka nukliyeerka iyo tiro gantaalla ah, waxaana la rumeysan yahay in dalkaasi uu diyaarinayo gantaal hubkaasi khatarta ah gaarsiin kara carriga Maraykanka.