Mar Jiraan Dano Siyaasadeed Oo Ay Wadaagaan Siyaasiyiinta Hanka Leh Ee Xisbiyada Ka Tirsan Iyo Murashaxiinta Madaxwaynaha Ee Sadexda Xisbi Hogaamiya ?

Hadayse U Dabrantahay Saaxada Siyaasadu Murashaxiinta Madaxwaynaha Xisbiyada Siyaasada Ee Hamuunta Xoogan U Qaba Kursiga Madaxwaynaha” Maxaa La Gudboon Siyaasiyiinta Hanka Leh Ee Sadexda Xisbi Ka Tirsan ?

 Ugu horayn waxaa muuqata in Murashaxiinta Xisbiyada Siyaasada S/land ay Raali ka noqdeen in Golaha Guurtidu muddo kordhin Laba Sanno ah oo Khilaafsan heshiiskii Sadexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Doorashooyinka u Kordhiyaan Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka Dalka iyadoo Diiwaanada Taariikhda Sannado Danbe lagu Xusi doono in Murashaxiinta Madaxwaynaha ee Xisbiyada Siyaasada S/land qayb ka noqdeen Dabarka adag ee lagu xidhay Geedi Socodka Dimuquraadiyada S/land iyo Mugdiga hadheeyay Mustaqbalka Geedi Socodkii Dimuquraadiyada S/land oo aan la garanayn sida looga baxayo iyo Goorta uu dhamaanayo iyadoo meesha laga saaray Hanaankii Doorashooyinka” Awoodii Xisbiyada Siyaasada S/land ku ururtay Murashaxiinta Madaxwaynaha oo Hamuun u qaba Kursiga Madaxwaynaha iyadoo Bulshada S/land lagu jaho wareeriyay Dabaal dagyo Xisbiyeed iyo Siyaasad Durbaano loo tumayo oo aan la garanayn Tartanka Siyaasadeed ee loo Dabaaldagayaa goorta uu dhacayo iyadoo Siyaasiyiinta Saaxada Siyaasada Safka hore kaga jiraa aanay garanayn waqtiga ay qabsoomayso Doorashada Golayaasha Deegaanka iyo  Doorashada Baarlamaanka S/land oo Golaha Guurtidu yahay Golaha Labaatan jirsaday”cid Hadal haysaana ayna jirin iyagoo maantana fursad kale u helay in ay isku jaangooyaan Muddada ay joogayaan  waxayna maanta Golaha Guurtidu u kordhiyeen Golaha Wakiilada Muddo Kordhintii Afraad halka Madaxwayne Siiraanyo markii Labaad u kordhiyeen, Halka Golayaasha Deegaankana loo kordhiyay muddo kordhinttii Koowaad balse aynu dul joogsano Afar jeer oo Golayaasha Qaranka loo kordhiyay muddo Xileedka Madaxwayne Siiraanyo  .

Waxay Taariikhdu ka marag kacaysaa in maalin ku beegan 7/9/2010 Golaha Guurtidu sameeyay muddo kordhintii koowaad Golaha Wakiilada u kordhiyay muddo Laba Sanno iyo Sideed Bilooda mar kale Golaha Guurtidu waxay maalin ku beegan 10/4/2013 u kordhiyeen Golaha Wakiilada muddo Laba Sanno ah mar Sadexaad Golaha Guurtidu waxay maalin ku beegan  27/5/2015 Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo iyo Golaha Wakiilada u kordhiyeen muddo u kordhin dhan Sannad iyo Todoba Bilood ah iyadoo la isku Lamaaneeyay Labadii Doorasho ee Golaha Wakiilada iyo Madaxwaynaha balse mar Afraad waxuu Madaxwayne Siiraanyo kala qaaday Labadii Doorasho ee Golaha Wakiilada iyo Madaxwaynaha maalin ku beegan 10/9/2016 waxaanay Taariikhdu ka marag kacaysaa in Murashaxiinta Madaxwaynaha ee Xisbiyada Siyaasada Hogaamisa ay Raali ka noqdeen kala Qaadista Labada Doorasho ee la isku Lamaaneeyay  iyadoo Maanta oo ku beegan 6/3/2017 Golaha Guurtidu u sameeyay Muddo kordhin Khilaafsan Heshiiskii Sadexda Xisbi Qaran Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka Dalka .

 Waxaase iswaydiin mudan Su”aalahan  Ma Ka Jirtaa Saaxada Siyaasada S/land Dano Siyaasadeed Oo Ay Wadaagaan Siyaasiyiinta Hanka Leh Ee Xisbiyada Ka Tirsan Iyo Murashaxiinta Madaxwaynaha Ee Sadexda Xisbi Hogaamisa ? Mise Saaxada Siyaasada S/land Waxay Dabrantahay Murashaxiinta Madaxwaynaha Ee Xisbiyada Siyaasada S/land Hogaamisa ?  Haday U Dabrantahay Saaxada Siyaasadu Murashaxiinta Madaxwaynaha Ee Xisbiyada S/land Hogaamisa Maxaa La Gudboon Siyaasiyiinta Hanka Leh Ee Sadexda Xisbi Ka Tirsan ? Imisa Sanno Oo Danbe Ayay Geedi Socodka Dimuquraadiyada S/land U Dabranaan Doontaa Hamuunta Murashaxiinta Madaxwaynaha Ee Xisbiyadu Siyaasadu U Hayaan Kursiga Madaxwaynaha? Maxaase Lagu Tilmaami Karaa Ka Raali Ahaanshaha Murashaxiinta Xisbiyada Siyaasada S/land Ee Muddo Kordhinta Sanadka Dhaafsan Heshiiskii Xisbiyada Qaranka S/land Ee Golaha Guurtidu U Sameeyay Golaha Wakiilada Iyo Golayaasha Deegaanka ? Xisbiyada Siyaasada S/land Ma Ku Jiraa Siyaasi Han leh ? Haduu Ku Jiro Maxaa La Gudboon ? Miyayna Ahayn In Uu Ka Hadlo Uu Diido Muddo Kordhinta Khilaafsan Heshiiska Sadexda Xisbi Qaran Iyo Komishanka Doorashooyinka “ Hadayna Sidaa Ahayn Maxaa Talo Ah ? Hadii Aan Siyaasi Hanleh Ma Durbaanka Sadexda Murashax Ee Madaxwaynaha Ayaan Tumaa ?  Muddo Kordhintani Ma Noqnaysaa Tii Ugu Danbaysay Ee Golaha Guurtidu Sameeyo ?

Dhamaan Su”aalahan waxaan u dhaafayaa in ay si mugleh uga soo jawaabaan Siyaasiyiinta Saaxada Xisbiyada Siyaasada S/land ku jira ee Hanka leh hadii kale waxay Bulshada S/land u qaadan doontaa in aanu Maanta Saaxada Siyaasada ku jirin Siyaasi han leh oo Sadexda Murashax ee Madaxwaynaha ahayn .

Ugu danbayn Waxaa hubaala in Diiwaanada Taariikhda Qarniyo iyo Sannado danbe lagu Xusi doono in ay ka Raali noqdeen Murashaxiinta Madaxwaynaha Sadexda Xisbi Qaran in Golaha Guurtidu  Heshiiskii Xisbiyada Siyaasada ku Khilaafaan una kordhiyeen Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka muddo kordhin muddo Laba Sanno ah oo khilaafsan heshiiskii Xisbiyada Siyaasada iyo Komishanka Doorashooyinka  hore u gaadheen iyadoo Bulshada S/land Yaabka yaabkii ku noqotay in Murashaxiinta Xisbiyada Siyaasada Hogaamiyaa in ay Raali ka noqdeen soona dhaweeyeen Muddo kordhinta Golaha Guurtida oo aan Hankoodii dib u dhigin waxaanay Arintani Marag cad u tahay in Murashaxiinta Xisbiyada Siyaasada S/land ay gaadh ka hayaan Damacooga oo kali ah isla markaana ka siman yihiin in ayna Xill iska saarin Ilaalinta Geedi Socodka Dimuquraadiyada S/land .

 

Qalinkii Iyo Falanqayntii : Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Hargaysa S/land