Waxaan Maalmaha Soo Socda Si Joogta ah,Aan Usoo Bandhigi Doonaa Qormooyin Aan Kaga Hadli Doono, Qodobadan Hoose Ku Qoran.

#Waa kuma Mulkiilaha Shirkadaha AL-Barakaat(Telesom,Golis iyo Hormuud)
iyo Qaybaha Kale ee Dhiska,Laydh iyo Xawaalada Salaama(Salaama Bank) Axmed Nuur Cali(Sh.Axmed Jimcaale)
#Sidee Bay Shirkadihiisan Meelaha kala Duwan Ee Dhulka Soomaalida Ka Dhisani Saamayn Ugu Leeyihiin Nolosha Dadweynaha Ku Kala Nool Dalalka Somaliland(Telesom)Iyo Soomaaliya(Putland..Golis,Koonfurta..Hormuud)?.
#Maxay ahayd Sobabtii Ugu Weynayd Ee Looga Saaray Liiska Argagixisada,
Looguna Ogolaaday Lacagtii Shirkaddiisii AL-Barakaat Ee Xawaalada Ahayd Ka Xanibnayd?.
#Maxaa ka Jira Inuu Qorshaynayo Siduu Ula Wareegi Lahaa Furaha Caalamiga Ah Ee Isgaadhsiinta
(International Code Number)Oo Ka Dhexeeya Dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Oo Wada Lahaa Tan iyo Intii Labbadii Dal ay Ku Midoobeen Dalkii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed (Somali Republic).

ffggg
#Maxaa ka Jira In Shirkadda Weyn Ee Sameynta Softy-Warerada(Micro-Soft) Iyo Shirkaddaha Sheekhu Ay Heshiis Wada galeen In Bill Gate Xarun Wayn ka Sameysto Muqdisho?.
#Maxay Ahayd Arrimihii Ay Xawaaladdii AL-Barakaat Iyo Madaxwenihii Hore Ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal isku Seegeen,Ma Sidii Uu Ku Diiday Madaxweynuhu Ayey Wali Ku Shaqeynayaan Mise Waxbay ka Baddeleen?.
#Maxaa ka Jira In Dhamaan Shaqaalaha Shirkadahani Ina Jimcaale Ay Yihiin Firqad Diinneed Cidii Ku Soo Biiraysaana Ay Marka Hore ka Mid Noqoto Firqada ka Dibna Shaqayso?.
#Intay Leegtahay Faa’iidada Uu Ka Helo Saddexdiisan Shirkaddood ee Is Huwan Ex-AL-Barakaat?.
#Maxay Tahay Heshiisyada Uu la Galo Saxaafadda Qaybaheeda Kala Duwan Si Aan Danaha Shirkaddihiisa Wax Looga Qorin Ama Looga Baahin?.
#Waxa Kale Oo aan Ku soo Bandhigi Doonaa Arrimo Badan Oo Kaa Qarsoonaa.La Socod Wanaagsan.

Gabiley News Staff.
Naasir Meecaad Qoraa Saxafi
(Researcher Investigation Journalist).