Daawo-“Somaliland Waxay Ku Tallo-gashay In Boqolkii Qof-ba Laba Kamid Ahi Ay Naaxaan, Intii Kalena Ay Bakhtido” Hurre Walan-wal

Abwaan Cismaan Ibraahim Warsame,(Hurre-walangal), ayaa si weyn uga dayriyey sida uu dhulkii la wada lahaa u noqday mid la kala goo-goostay, islamarkaana uu gebi ahaanba uga baxay gacanta dawladda.

Abwaanku waxa uu xusay in dhibaatada shaqo-abuur la’aanta ah ee bulshada haysata ay kaw ka tahay dhulkii oo la kala sheeganayo, “Somaliland shaqo abuur kuma ay talogelin, shaqadana dhulkaa laga abuuraaye cirka kama timaaddo, dhulkii Somaliland sidii uu u dhammaa meel walba nin baa leh oo wuu xidhan yahay, meeshii afarta milyan degi lahaayeenna way xidhan tahay, markaa xaggee shaqo abuurku ka dhacayaa,” ayuu yidhi Abwaan Hurre Ibraahim Walanwal.
Abwaan Hurre oo hadalkiisa sii wata, ayaa xukuumadda ku canaantay inay dhulkii sii dhaxal wareejinayso, waxana uu ku baaqay in shaqaalaysiinta laga daayo eexdo oo saldhig looga dhigo qofku aqoonta uu leeyahay, waxana uu yidhi, “Dawladdu dhulka inay awood u yeelato weeye, laakiin iyadii baaba cayn-wareejinaysa oo hebello siinaysa’e ta labaadna waa shaqada oo loo bixiyo maxaad taqaanaa, waa labada keli ah ee shaqo abuur lagu samayn karo.”
Waxa uu sidoo kale sharraxay sida ay shacabkii reer Somaliland dabaqadaha u noqdeen ee ay u kala fogaadeen, taasina ay tahay mid aan la aqbali Karin, “Somaliland waxa ay ku talogashay in boqolkii qofba laba kamid ahi naaxdo oo cadaabna aanay dank a gelin intii kalena bakhtido,” ayuu yidhi abwaan Cismaan Ibraahim Warsame.