Dagaal Koonfurta Gobolka Sool Ku Dhexmarey Laba Beelood Iyo Dhimasho Badan Oo Uu Sababey Dagaalkaasi.

Ugu yarraan Toddoba Ruux ayaa ku dhintay, tiro kalenna way ku dhaawacmeen, kadib markii uu dagaal dhex-maray beelaha walaalaha ah ee Bahrarsame iyo Qayaad.

Labaddan beelood ayaa ku diriray meesha loo yaqaanno Dabataag oo koonfur kaga beeggan Degmada Laascaannood ee xarunta gobolka Sool, waanna halkii uu dhawaan Raxmaadku ka da’ay oo ay Xoola-dhaqatadda labaddaas beelood iskugu yimaaddeen, isla markaanna ay Dirirtu ku dhex-martay barqaddii hore ee shalay.

Sidoo kale, shaqaaqaddan labadda beelood ee Bahrarsame iyo Qayaad waxay iska dileen 31 Geella, iyaddoo marar hore oo kala duwanna ku dagaalamay deegaannada koonfur ka xigga magaalada Laascaannood.

Marka laga yimaaddo Dirirta maanta oo sida naloo xaqiijiyay ka dhalatay Daaqa iyo Biyaha ay beelahaas Walaalaha ahi iskugu yimaaddeen, ayaa haddana, waxa jira Warar sheegaaya in abaabulka iyo isku soofaynta labaddaas beelood ay gacmo kale ku dhex jiraan

Log11