Khilaaf Cakiran Oo Kataagan Maamul Usamaynta Deegaanka ABAARSO Iyo Badhsaabka G, Maroodi Jeex Oo Tahli Waayay In Uu Go,aan ka Gaadho + faro Galinta Maayarka Soltelco.

Waxaa Maalmihii ugu danbeeyay khilaaf xoogani ka taagnaa deegaanka abaarso oo qiyaastii 15km Galbeed ka xiga caasimada Hargaysa halkaasi oo khilaaf xaga maamulka ahi ka taagan yahay. Ilo wareedyo Deegaanka ah oo noo xaqiijiyay xaalada ka taagan ayaa noo sheegay in deegaanka ay ka taagan  tahay xaalad colaadeed oo salka ku haysa hanaanka is maamul ee deegaanka ka jira.

Mid ka mid ah odayaasha deegaanka ayaa noo sheegay in deegaanka abaarso ka jiro khilaaf ragaadiyay oo ay isku haystaan Degmada Darasalaam , faro wayne iyo Degmada Hargaysa taasina ay sababtay in deegaanku samaysto gudi ka madax banaan maamulada isku dul haysta oo sidooda isku doortaan cida markaa hogaaminaysa.

BADHASAAB BURAALE

 

Wuxuu sidoo kale noo sheegay gudida Deegan abaarso oo ka kooban 13 xubnood oo tusmaysan oo ay soo doorteen xubin walba caaqilkiisu ay doorteen maamul cusub oo hogaamiya deegaanka .taasina ay si cad uga soo hor jeesteen maayarka caasimada Hargaysa ( solteco iyo xil; Cismaan Waxar) oo dhamaan beerihii deegaanka qorshay xaaran ah ku sameeyay dhamaanan Dantii guud ee beeraha laga jarayna iyagu ku tagri faleen. Isaga oo uu fududayn jiray gudoomiyihii hore ee deegaanka ee xilka laga qaaday Mr Dayib, Intaa ka dib waxaa qoraal sharci ah oo Nootayo oo cadaynaysa xubnaha xilka ka qaaday Gudoomiyihii hore iyo gudoomiyaha cusub ee ay doorteen loo gudbiyay xafiiska badhasaabka oo ay maamul ahaan khusayso.

WAXAR

Maamulka gobolku wuxuu iskugu yeedhay labada dhinac isaga oo dhagaystay dacwadii ka dhexaysay gudidii deegaanka halkaasi oo uu badhsaabku kula wareegay in xafiiska gobolku soo saarayo go’aan heer gobol ah .

Nasiib daro wax go,aan ah muu soo saarin laakiin waxaa uu sameeyay khalad kii ugu waynaa ee masuul maamul gobol sameeyo isaga oo la kala saftay dadkii khilaafku ka dhexeeyay ee deegaanka abaarso, Sida ay ilo xogogaal ahi noo xaqiijiyeen waxaa arintaa soo dhex galay qaar ka mid ah masuuliyiinta dawlada oo ay ka mid tahay wasiirada Maaliyada ZAMSAM CABDI AADAN oo badhasaabka ku amartay in uu deegaankaa u magacaabo masuul aan ahayn kan deegaanku soo xushay  ,

sidoo kale ay badhasaabka maalintii khamiistii ee la soo dhaafay safar qarsoodiya ku tagay deegaanka abaarso halkaasi oo dhinac ka mid ah labadii dhinac ee khilaafku ka dhexeeyay uu kula shiray . markii ay ogaadeedn dhinicii kalena ay mudaharaad ka sameeyeen deegaanka iyaga oo guud ahaan xidhay  wadada isku xidha deegaanka abaarso iyo caasimada hargaysa . badhsaabkana ku amray in uu sida ugu dhakhsaha badan uga baxo deegaanka

arintan ayaa debada usoo saartay in badhsaabka gobolka maroodi jeex uu ku guul daraystay xalinta khilaafka maamul ee ka taagan deegaanka abaarso.

Dhanka kale waxaa jira in maalinta barito ah uu maayarka caasimadu degaanka abaarso ka samanayo isku day inuu Town plan u sameeyo deegaankaa oo maamul ahaan hoos yimaada degmada daarasalaam