DR Gaboose Oo Been Aan Raadlahey Ku Tilmaamey Wararka Sheegaya In Dad Kalyaha Lagala Baxey.

Dr  Maxamed Cabdi Gaboose oo ka mid ah dhakhaatiirta ugu caansan dhulka ay Somalidu degto ayaa waxaa uu saaka si qooto dheer  uga hadley wararka sheegay in magaalada Hargeysa dadka ku nool kaliyaha lagala baxo.

Dr Gaboose ayaa waxaa uu arintaasi ku tilmaamay warar aanay waxba ka jirin isla markaana waxaa uu hoosta ka xariiqey in kaliyaha iyo beerku ay ku yaalan uurkutaalada fog ee jidhka isla markaana ay ku xidhan yahiin xidido waa weyn marka qof kali laga saaraayana ay u baahan tahay xarun weyn oo ay yaalan qalab waa weyn oo qabta shaqooyin ay ka mid yahiin in aanay kalidu dhiman , in aanu qofku dhiman in aanay xidada kalida soo gala aanay dhimanin.

Sidoo kale Dr Gaboose ayaa waxaa uu tilmaamey in wararkan been abuurka ah ay ka danbeeyaan dad neceb oo aan ku faraxsaneen horumarka ka tisqaadey Somaliland gaar ahaan caasimada Hargeysa oo ujeedkoodu yahay in dadkii Hargeysa ama Somaliland iman lahaa cabsi ku beeraan,