WARARKA




Madaxtooyadda Somaliland Oo Ka Hadashay Mooshin Ka Dhan Ah Saldhiga Milatari Ee Berbera Oo Baarlamaanka Soomaaliya Lagu Soo Hadal Qaaday

Hargeisa(GNN):- Wasiir Ku Xigeenka Madaxtooyadda Somaliland Axmed Xaashi ayaa ka hadlay mooshin ay damacsan yihiin Baarlamaanka Soomaaliya in laga keeno Saldhiga Milatari ee ay Somalilland ka siisay imaaraadka carabta.

Wasiir Axmed Xaashi oo arrimahaas ka hadlaya ayaa yidhi โ€œHeshiiska Garoonka diyaaradaha ee Ay Dawladaha Somaliland iyo imaaraadku carrabtu wada gaadheen, Somaliland waa dal madax banaan oo 26 june 1960-kii maxmiyadisa ka qaatay dawladii ingiriska, waxaanu isaga oo xor ah ku biiray dalka Soomaaliya, waxaanay Somaliland Xornimadeeda la soo noqotay 1991-kii.โ€ Ayuu yidhi

Wuxuu si weyn sharaxaad uga bixiyay heshiiska Somaliland iyo imaaraadka carabta โ€œHeshiiska ay kala saxeexdeen Somaliland iyo imaaraadka carabtu waa

heshiis ka dhaxeeya labada wadan, cid saddexaad oo ka talin kartaa ma jirto.

Somaliland baarlamaanbay leedahay, labadiisii gole wey fadhiisteen, waanay ansixiyeen, hadii aad labada baarlamaan ee soomaaliland iyo soomaaliya isu eegtana midi waaย  mid la soo doortay oo sharci ah, kaas ba sharci ku leh.

Runtii qaraarka ay damacsan yihiin in la soo hor dhigo heshiiska dekeda Berbera waa burburkii Soomaaliyaโ€ ayuu yidhi Axmed Xaashi.