“Wakhtiyada xagaaga waxaanu ku laabanaa dalkeenii Hooyo ee Somaliland,hadii aynu nahay qurba-joogana waxaynu ku kala nool nahay dalal iyo qaarado kala duwan oo aduunka ah,hadaba waxa nasiib darro ah in maadaama oo dadkeenii reer Somaliland u ooman yihiin in dalkoodii hooyo ku noqdaan ayaa waxa soo baxaysay in ilaa shalay ilaa darraad dadkii haystay Baasaboorada wadamada Yurub ee Dalkooda hooyo kusoo labanayey in diyaaradihii Imaaraadku kusoo celiyeen madaaradii dadku ka baxayeen ee Yurub,iyaga oo maamulka shirkadaha diyaaraddahaasi sheegayaan in Xukuumadda Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu galeen heshiis ah in dadka kasoo jeeda Soaliland aanay bilaa Fiise aanay diyaaraddaha kusoo fuuli Karin oo aanay ku tagi Karin Somaliland,markaa waxa nasiib darro ah in xukuumaddii dadkeeda hawlaha u fududayn lahayd inay dadkii ku adkayso in dalkoodii ay dib ugu soo laabtaan”sidaas ayuu yidhi.
Amarkan lagu joojiyey Qurba-jooga Somaliland kasoo jeeda inay xagaagan dalka yimaadaan ayaa waxa uu kasoo baxay hay’adda Laanta Socdaalka Somaliland ,waxaana qoraal aan helnay oo Ingiriisi ku qornaa ku saxeexnaa taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cismaaan Cali (Dayyib) taas oo uu u kala direy shirkadaha Diyaaraddaha,madaarada Somaliland iyo waliba wasaaraddaha Somaliland qaarkood.ilaa hadda se si cad looma sheegin sababta loo xayirray sanadkan qurbajooga Reer Somaliland ee kusoo laabanaya dalkooda Hooyo.