Nuxurka Dacwad Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucid U Gudbiyey Guddida Diwaan Gelinta Ururada Siyaasada Iyo Dareenka Afhayeen Xasan Macalin

Hargeisa(GNN):-xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa guddida diwaan gelinta iyo ansixinta asxaabta qaranka u gudbiyey dacwad ay ka qabaan xubno ka tirsan golayaasha deegaanka dalka oo ka baxay xisbiga.

Xisbiga Ucid ayaa xildhibaano ka tirsan golayaasha deegaanada ee dalka ku eedaynaya inay lumiyeen xubinimadii xisbiga ay ka soo baxeen ee Ucid isla markaana ay haboon tahay in lagu badalo xubnaha kaydka ah.

Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac oo ah qareen u doodaya xisbiga Ucid ayaa ka war bixiyey dacwada uu xisbiga Ucid u gudbiyey guddida diwaan gelinta ururada siyaasada iyo ansixinta asxaabta qaranka waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaanu gudida diwaan gelinta iyo ansixinta asxaabta

qaranka u gudbinay dacwad uu dhinac dacwoode ka yahay xisbiga Ucid, dhinaca kalana ay dacwaysanayaal ka yihiin 7 qof oo hore uga soo baxay xisbiga Ucid doorashadii golaha deegaanka kuwaas oo xisbigu ku ashkataynayo inay lumiyeen xubinimadoodii, sidaas darteedna ay tahay in lagu badalo xubnaha ku jira kaydka,  iyada oo maxkamada sare amartay in dacwadaas ay ka soo garnaqdo guddida diwaan gelinta  iyo ansixinta asxaabta qaranku, waxaanan rajaynaynaa inay gudidaas qaadi doonto dacwada wixii ka soo baxana aynu eegi doono.”

Garyaqaan Guuleed oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Maxkamadu markii ay eegtay dacwada waxay u soo gudbisay oo ay sheegtay inay qaadisteeda leeyihiin guddida diwaan gelintu, markaas guddida ayey u soo gudbisay , xisbiguna halkaas ayuu dacwadii ka furtay.”

Dhinaca kale Afhayeenka guddida diwaan gelinta ururada siyaasada iyo ansixinta asxaabta qaranka Xasan Axmed Ducaale(Xasan Macalin) oo u hadlay guddida uu ka tirsan yahay ayaa ka waramay dacwada uu xisbiga Ucid soo gaadhsiiyey waxaanu yidhi “Waxa jira dacwad ay keeneen xisbiga Ucid oo ay ka dacwoonayaan dhawr xildhibaan, waanan eegay oo waxay dacwaynayaan xubno ay leeyihiin waxay lumiyeen xubinimadoodii golaha deegaanka, dacwadana saaka ayey noo keeneen wallow ay la anbadeen markii hore oo aanu maqlaynay iyaga oo la tagayey guddida doorashada iyo maxkamada sare, waxaanay xubnahaas ku dacwaynayaan inay leeyihiin waxay lumiyeen xubinimadii golaha deegaanka, nuxurka dacwada iyo hawlaheedana waa la gali doonaa.”ayuu yidhi Xasan Macalin.

Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey ku hawlanaa dacwad ka dhan ah qaar ka mid ah xildhibaanada golayaasha deegaanada dalka oo qaarkood maayaro yihiin kuwaas oo shaaciyey inay ka baxeen xisbiga Ucid isla markaana ku biireen xisbiyada kale, waxaanu Ucid aaminsan yahay in hadii ay ka baxeen xisbigii ay kaga soo biireen golayaasha deegaanada dalka ay lumiyeen xubinimadii ay kaga sii mid ahaan lahaayeen golayaasha ay ka tirsan yihiin.

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network.