Raxan Wasiiro Ah Oo Shalay Safar Aan La Shaacin Ku Tagey Magaalada Berbera Iyo Ujeedada Socdaalkoodu Daaran Yahay

Warar xog ogaal ah oo aan helayno soona gaadhaya xafiiska shabakada wararka Gabileynews ayaa waxay sheegayaan in raxan wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ay shalay safar aan la shaacin ku tageen magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Waftigan wasiirada ah oo tiradoodu gaadhayso ilaa Shan Wasiiro oo uu wahelinayo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Imaaraadka ayaa shalay la sheegay inay safar ku galeen magaalada Berbera iyaga oo kuwo kalena la filayo inay maanta ka daba baxaan oo ay iyaguna gaadhaan saacadaha soo socda magaalada Berbera.

Waftigan wasiirada ah ee socdaalka ku tagey magaalada Berbera ayaa magacyadooda inta aaan ka helnay ay yihiin Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Farxaan Aadan Haybe,Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir “Faratoon’ Wasiirka Arrimaha Dibada Dr Sacad Cali Shire,Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Cali Maxamed Xasan “Marreexaan”,Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah Cumar Shucayb Maxamed iyo sidoo kale safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Baashe Cawil waxaana la filayaa sida ay xoguhu noo sheegeen in waftigan ay ka daba tagaan maanta isla markaana ay saacadaha soo socda gaadhaan magaalada Berbera Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdilaahi Maxamed Daahi Cukuse.

Raxantan wasiirada ah ee safarka ku jooga magaalada Berbera ayaa la filayaa inay garoonka diyaaradaha Berbera kusoo dhaweeyaan maanta Wafti Balaadhan oo ka socda Dawlada Imaaraadka Carabta oo socdaal ku imanaya Somaliland isla markaana hore u baaqday,waxaana waftigan hogaaminaya sida naloo sheegay wasiirka Duulista iyo Hawada Imaaraadka oo ay garab socdaan Saraakiil iyo Khuburo ciidan oo ka socda dalka Imaaraadka.

Waftigan dalka Imanaya ayaa iyaguna ujeedadoodu daaran tahay sidii ay usoo indho indhayn lahaayeen dhulka laga siiyey Berbera si ay uga dhistaan  saldhig Milateri oo ay leedahay dawlada Imaaraadku,taas oo dhawaan xukuumadda Somaliland ku wareejisay madaarka Magaalada Berbera isla markaana la filayo inay dhawaan ka dhisato dawlada Imaaraadku saldhig Milateri.

Waftigan Imaaraadka ka socda ayaa waxa la sheegay in ay ku jiraan saraakiil sar sare oo ka socda shirkada Dp World ee dhawaan lagu wareejiyey gacan ku haynta dekeda Magaalada Berbera kuwaas oo iyaguna u socda sidii ay usoo kormeeri lahaayeen qaabka ay hawluhu u socdaan iyo sidii ay kulamo ula qaadan lahaayeen shaqaalaha dekeda Berbera.

Gabagabadiina waftigan ayaa la filayaa inay qasriga Madaxtooyada Somaliland kulan kula qaataan madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”.

Log1