Xukuumadda Somaliland Oo Dalalkii Ay Kasoo Jeedeen Ku Celisay Todoba Maxbuus Oo Xukunadoodii Ku Dhamaystay Xabsiga Hargeysa+Eedaha Loo Haystay Maxaabiistan,Dalalka Ay Kasoo Jeedaan

Xukuumadda Somaliland ayaa dalalkii ay kasoo jeedeen dib ugu celisey Todoba Nin oo Maxaabiis ahaa isla markaana jeelka wayn ee Hargeysa ku dhamaystay xukunadii ay maxkamaddu kusoo xukuntay.

Todobadan nin oo ahaa Somaali ayaa waxay ku eedaysnaayeen falal Budhcad-badeednimo ah iyada oo lagu qabtay dalka Seychelles isla markaana ay maxkamadda sare ee dalka Seychelles ay soo xukuntay intaasi ka dibna ay usoo gudbisey Xabsiga magaalada Hargeysa dhamaadka sanadkii 2011-kii si ay ugu dhamaystaan xukunadooda kuwaas oo ninkiiba lagu xukumay 10 sanadood oo xadhig ah isla markaana uu xukunku dhacay dhamaadka sanadkii 2011-ka sida ku suxan warqad sii daynta ah oo ay soo saartay wasaaradda Cadaaladda Somaliland isla markaana nuqul kamid ah uu soo gaadhay shabakada Ramaasnews.

Todobadan Maxbuus oo xadhigooda ku dhamaystay Xabsiga Hargeysa ayaa dhalasho ahaan kasoo kala jeeda dalka Somaliya iyo maamulka Puntland,waxaana Saddex kamid ah maxaabiistan ay kasoo jeedaan Somaliya halka Afarta kalena ay kasoo jeeda Maamulka Puntland.

Wasaaradda Cadaaladda Somaliland ayaa saraakiisha ciidamada Asluubta Somaliland ku amartay in lasii daayo Todobadaa Maxbuus ee xadhigooda dhamaystay intaasi ka dibna dib loogu celiyo dalalkii ay kasoo jeedeen,waxaana ay wasaaradda Cadaaladda Somaliland ay bixisay dhamaan waxii qarash ku baxayey ilaa inta ay ka gaadhayeen dalalkooda,iyaga masuuliyiinta wasaaradduna xuseen in ay si nabad ah ku gaadheen maxaabiistan xadhigooda dhamaystay dalalkii ay kasoo jeedeen.

Sidoo kalena wasaaradda Cadaaladda Somaliland ayaa xustay in Maxabiistaasi intii ay ku jireen xabsiga in la siiyey waxbarashooyin kala duwan oo iskugu jiray Kuwo Diineed,Dhaqan-celineed,Waxbarasho iskugu jirta mid Maadi ah iyo Mid Xirfad ah iyaga oo maxaabiistaasina ay hadda yihiin kuwo dhinac kaste ka dhisan si nabad ahna ay ku gaadheen dalalkoodii.

1

Log11