Real Madrid Oo Allianz Arena Ku Soo Garaacday Toban Ciyaartoy Oo Bayern Munich Ah, Cristiano Ronaldo Oo Gaadhay Goolkiisii 100 Aad Ee Tartamada Yurub, Zidane Oo Macalinkiisii Ancelotti Cashar U dhigay Iyo Javier Martínez Oo Kaadhka Cas LooTaagay.

Real Madrid ayaa guul dahabi ah Allianz Arena ku soo gaadhay kadib markii ay 2:1 ku soo garaacday toban ciyaartoy oo Bavaria ah iyada oo kaadhka cas loo taagay xidiga ree Spain ee  Javier Martínez. Zinedine Zidane ayaa guuldaro xanuun badan soo baday macalinkii uu caawiyaha Bernabeu ugu soo ahaa ee Carlo Ancelotti oo ay kooxdiisu burburtay markii uu  Javier Martínez kaashka cas qaatay.

Real Madrid ayaa qaybtii danbe ee kulankan ahayd kooxda wax kasta garoonka ka samaysay waxaana in goolal inta ka badan ka soo diiday goolhaye Manuel Neuer oo kooxdiisa ku sii hayay in ay Bernabeu timaado iyada oo ayna rajadu ka dhiman.  Cristiano Ronaldo ayaa Real Madrid guushan ku soo hogaamiyay waxayna Los Blancos soo gabgabaysay 16 kulan oo xidhiidh ah oo ay Bayrern guulo ku soo gaadhay Allianz Arena ee kulamad Champions Leaque-ga.