“Sicir Bararka Waxa Ka Mid Ah Dawladdan 70-Ka Wasiir Ah, Intaas Oo La Taliye, Waxaana Imika Soo Baxday In Ninka Xilka Laga Qaado La Yidhi Mushaharkiisa Ha Iska Qaato”

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Axmed Cabdi kijaandhe, ayaa si adag uga hadlay sicir bararka dalka ka taagan, waxaanu sicir bararkaas taagan ku xidhiidhiyay tiro badnaanta tolaah wasiirada iyo isu dheeli tirnaan la’aanta dakhliga dawladda soo gala iyo kharashka ka baxa.

Xildhibaan Kijaandhe, oo waraysi gaar ah uu la yeeshay wargeyska Geeska Afrika, waxa kale oo uu sababaha sicir bararka keenay ku xidhiidhiyay lacagta dalka laga isticmaalo oo isugu soo ururtay dollar, waxaanu xukuumadda ugu baaqay in Baanka la xoojiyo oo la soo celiyo kalsoonidii shacabku ku qabay lacagta qaranka Somaliland.

kijaandhe

Xildhibaanku, waxa kale oo uu soo jeediyay in dib loogu noqdo siyaasadda aqoonsi raadiska Somaliland. Ugu horayn isagoo ka hadlaya sababaha sicir bararka wuxuu yidhi   “Sicir bararka waxa ka mid ah Dawladdan 70-ka Wasiir ah iyo intaas oo la taliye, waxaana imika soo baxday oo caado ah in  ninka xilka laga qaado, la yidhaahdo Mushaharkiisa ha iska qaato, ee iska daaya. Kuligeen Mushahar ma wada qaadan karnaa?, waxaas ayaa ka mid ah Sicir bararka, abaaraha awgood dakhliga Dawladdu uu dhimayaa, ee waxa jira waxyaabo badan oo aan loo baahnayn ee Dawladdu waa inay aad u yaraysaa kharashkeeda, oo ay is ururisaa oo mashaariicda joojisaa, oo Mushaharaadka Shaqaalaha mooye, waxyaabaha kale ee aan loo baahnayn ay joojisaa,Dawladdu waa inay kharashkeeda dhintaa, oo ku koobnaata Cashuurta soo gasha, oo Dawladdu kuma koobna dakhligeeda, caawa haddii la yidhaahdo Wasiir baa la magacaabayaa iyo Wasaarad cusub baa la sameeynaya,waa inay dakhliga Sannadkan ku jirtaa, sicir bararku waa wax soo socday, waxaana sabab u ah dakhliga Dawladda soo gala wax ka badan ayey isticmaalaysa, ta kale Baankan khasnada u ah Dawladda waa in loo sameeyaa Boodh madax banaan, oo iyagu doorta ninka Baanka madax ka noqonaya, dawladii baa iyadu intay timaado odhanaysa Baankii lacag caynkaas ah keena, ama Wasiirkii Maaliyadda ayaa odhanaya keena, marka sidan hadda wax loo waddo sicir bararku ku joogsan maayo, waa in la keena xal sidan ka qoto dheer oo mid yahay xal deg deg ah, oo midina yahay xal dheer oo ah in siyaasad loo sameeyo lacagteena, marka waxay u baahan tahay qorshe iyo siyaasad intan ka qoto dheer, laakiin asalka iyo bud-dhigu waxa weeye inay Dawladdu ku koobnaato dakhliga soo gala, oo aanay shilin kale isticmaalin”

Xildhibaan kijaandhe mar uu ka hadlaayey lacagta Doolarku saamaynta ay ku leedahay Sicir bararka ayaa yidhi “Doolarkana wax lagu kala iibsanayo iyo Dawladdan Doolarka wax ku bixinaysa waa in la joojiyaa, iyo waliba lacagta doolarka ee lagu isticmaalayo adeegyada Zaadka iyo Edahab waa in lacagteena lagu isticmaala, ta kale dadku kalsoonidii ay ku qabeen lacagteena waa in la soo celiyaa, oo dadku wax ku iibsadaan lacagta”

Xildhibaan Kijaandhe mar uu ka hadlaayey Siyaasada Arrimaha Dibadda wuxuu yidhi “Dawladda Somaliland siday ictiraafka u doonayso, waa inay dib ugu noqotaa, sidaynu wax u doonaynay wey shaqeyn weyday, waxay u baahan tahay siyaasado cusub, qardo  jeex baynu nahay, Siyaasadeena Arrimaha dibadda iyo sidaynu ictiraafka u doonaynaa waa qardo jeex, barigii hore qardo  jeexaas ayeynu ugu darsanay Somaliya, marka waxay u baahan tahay si caqli leh in si weyn loo fadhisto oo laga shiro oo wax dib loo eego, oo la is weydiiyo maxaa sabab u ah in 25 sanno bilaa ictiraaf ahaano”.

Dhinaca kale Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe,wuxuu guud ahaan Bulshada Somaliland ugu baaqay inay is caawiyaan, oo isku gargaaran, oo wax wada qabsadaan, oo dadkooda jilicsan ee ay abaartu hayso u gargaaran, ALLENA loo noqdaa, oo baryadiisa la badiyo.

Xigasho: GA