Guddoomiyihii Magaallo-xuduudeedka WAJAALE oo Xilkii Laga Qaaday Iyo Mas’uul Ay Bulshada Deegaanku ku Diirsatay oo La Magacaabay

GUDAHA KA AKHRI: Ra’yul-caamka Bulshada WAJAALE oo Magacaabista Guddoomiyahan Cusub ku maseeyey ‘ruug-caddaagii soo rogaal celi”

DEGDEG: Guddoomiyihii Magaallo-xuduudeedka WAJAALE oo Xilkii Laga Qaaday Iyo Mas’uul Ay Bulshada Deegaanku ku Diirsatay oo La Magacaabay

Wajaale:(GNN)- WAreegto kasoo baxday Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa lagu shaaciyey xil ka qaadis uu wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon uu xilkii kaga qaaday guddoomiyihii magaallo xuduudeedka Tog-wajaalle oo ka tirsan gobolka Gabiley,  iyadoo xilkaasi loo magacaabay guddoomiye Cusub.

Wareegtada wasiirka ayaa sidaay HUBAAL u sheegeen ilo wareedyo u dhuun daloola arrimaha maamul ee degmada Wajaalle waxa lagu sheegay in xilkii laga qaaday guddoomiyihii degmadaasi Mr. Aadan Cilmi Aadan Oo Shiine loo yaqaanno islamarkaana waxa dib loo magacaabay Md. Xaashi Maxamuud Cabdi oo isagu hore u soo maray xilkan, kaasi oo ay rayul-caamka bulshada reer Wajaale iyo guud ahaanba gobolka Gabiley ay si weyn u soo dhaweeyeen magacaabistiisa isla markaana ay niyad sami  ku qaabileen wareegtada Wasiirka.

gomiyaha-togwajaale-Aadan-shiineSida ay HUBAAL u sheegeen ilo wareedyadani waxaa iyaguna jira xubno kale oo ay wareegtadani saamaysay wallow aan si rasmi ah faahfaahin looga helin hase yeeshee  qaar ka tirsan bulshada ku dhaqan magaalo ganacsiyeedka Wajaalle oo muhiim khaasa u leh Somaliland  oo wargeyska HUBAAL xidhiidh la soo sameeyey ayaa u sheegay in magacaabista maamulka cusub ee degmadu uusi togan u taabtay dareenka shacbiga Wajaale kuwaasi oo markii hore sida la sheegay ay markii hore shucuurtoodu kacsanayd kadib tabashooyin is barkan oo ay ka tirsanayeen maamulka hore hase yeeshee markii ay magacaabista guddoomiyaha cusubi soo baxday ay mar kaliya isla oogsadeen weedho ka turjumaya sida ay ula dhacsan yihiin  guddoomiyaha cusub oo ay ku tilmaameen in uu yahay masuul ay degmo ahaan u baahnaayeen iyaga oo ku sifeeyey ruug caddaa maamul oo marlabaad soo rogaal celiyey. Magacaabista Maamulka Cusub ayaan weli dhinacyada ay khuseeyaan ka hadlay wallow aanu isku daynay in aanu xidhiidhh la samayno guddoomiyaha xilka laga qaaday haddana way noo suurto geli wayday kadib markii aanu khadkatelefoonka ku weynay.

Source Hubaal.

Wixii warar ah ee ka soo kordha la soco