Daawo-Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo Fariin Talo Ah Hawada U Mariyey Madaxweyne Siilanyo.

Hargeisa(GNN):-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yasiin ayaa
waxaa uu walaac ka muujiyey hanaanka siyaasadeed ee oloolanka u wadaan saddexda xisbi qaran ee Waddani , Kulmiye iyo UCID .

Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa uu madaxweyne Siilany ugu baaqay in uu ka shaqeeyo sidii uu isku soo dhaweyn lahaa saddex musharax isla markaana uu ugu qaban lahaa tartan doorasho oo xor iyo xalaal ah mar hadii uu isagu maanta dalka odey ka yahay isla markaana uu magic dalka kaga tago

Madaxweyne Siilanyo waxaan leeyahay hadii aad maanta taladii ka tageyso isku soo dhawee saddex musharax ee tartamaya oo ha la galo tartan iyo doorasho aan lagu murmin taas oo adigana natiijo fiican oo mustaqbal leh kaaga tagta ” ayuu yidhi

Sidoo kale Axmed Yuusuf Yasiin ayaa waxaa uu sheegay in xisbiga Kulmiye uu yahay cid maanta martida loogu yahay garoonka ciyaarta isla markaana waxaa uu ugu baaqey in garoonkooda ka dhigaan mid xasiloon

” Waxaa marti loo yahay garoonka Kulmiye , markaas Kulmiye waa in uu garoonkiisa uu ka dhigtaa mid xasiloon oo nabad ah ” ayuu yidhi