Daawo-Xisbiga KULMIYE oo soo Dhaweeyey Taageerayaal kasoo Jeeda Deegaannada Aw Barkhadle, Qool-buulalle iyo Celliyo

Hargeisa(GNN):-Taageerayaal kasoo jeeda deegaannada Aw Barkhadle, Qool-buulalle, Celliyo iyo degmooyinka Gacan-libaax iyo Sallaxley, ayaa maanta si rasmi ah ula midoobay xisbul-xaakimka talada Somaliland ee KULMIYE, waxana ay si cad u sheegeen inay taageero hiil iyo hooba leh la garab geli doonaan xisbiga.
Xaflad ballaadhan oo lagu soo dhaweynayey taageerayaashan oo lagu qabtay hutaal ADDAMS INN ee Magaalada Hargeysa, kana qaybgaleen Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, saraakiil sarsare oo xisbiga ka tirsan, wasirro, agaasimayaal, xildhibaanno, Salaadiin, cuqaal, haween iyo boqolaal taageerayaasha ku biiray xisbiga KULMIYE.
Munaasabaddaasi waxa hadallo ka jeediyey madaxdhaqameed, salaadiin iyo waxgarad ka soo dadweynaha deegaannada Aw Barkhadle, Qool-buulalle, Bariga Hargeysa iyo Celliyo, kuwaas si faahfaahsan u sharraxay asbaabta ku kallifay inay xisbiga KULMIYE ku biiraan, iyaga oo caddeeyey waxqabadka xisbigu dalka ka fuliyey iyo hoggaanka waqtigan xisbiga u sharraxani kaalin mug leh kaga jiraan taageerada ay xisbiga u hayaan.
Sidoo kale, masuuliyiinta xisbiga KULMIYE iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda oo iyaguna khudbado ka jeediyey xafladdaasi, ayaa soo dhaweeyey dadweynahan cusub ee ku soo biiray xisbiga KULMIYE oo ay u tilmaameen inuu yahay mid la wada leeyahay oo aan la kala lahayn, waxaanay u hogo-tusaaleeyeen siyaasadda xisbiga ee uu doonayo inuu mar labaad ku hanto hoggaaminta dalka Somaliland.


18423761_873594739445281_2171528302648364237_n 18403334_873594632778625_4727597022784222223_n 18423723_873594842778604_3602629379538100277_n 18403746_873594202778668_3857701743797943742_n (1) 18403689_873594622778626_6227838003420098255_n 18403610_873594736111948_8024721888315144530_n 18447368_873594322778656_7545959830755772292_n 18446624_873594312778657_3150517964029562651_n 18425511_873594746111947_7336404518720550806_n 18423991_873594456111976_8966396201330440630_n 18423977_873594732778615_4377331345866427928_n 18485268_873594329445322_7048403662643466553_n 18485472_873594442778644_6452147487927477852_n 18485553_873594562778632_1675861837694931139_n18486312_873594846111937_8320889418597211396_n 18519532_873594452778643_6664155641070529632_n