Dhacdo Qosol Badan Oo Dhexmartay Gabadh Garsoore Ka Ah Ciyaar Kubada Cagta Ah iyo Laacib Reer Turki Ah.

Gabadh Garsoore ka ahayd Ciyaar ka tirsan Horyaalka Jarmalka ayaa Laacib u dhashey Dalka Turkiga oo ka Ciyaara Isla Horyaalkaas waxey siisey Kaadhka Cas,Markaasu intuusan Ciyaarta ka bixin ku yidhi “DUMARKA SHAQADOODU WAA Madbakha(Jikada)”.
Intaas kadib Xidhiidhka kubadda Cagta Jarmalka aya laacibkii ku Ganaaxdey Inuu Kooxdiisa ka Maqnaado shan Ciyaarood iyo inuu Garsoore ka noqdo kulan ka tirsan Horyaalka Gabadhaha Kubada Cagta ee dalkaasi si uu dumarka uga barto ixtiraamka markii Garoonka lagu jiro.
Haddaba maxaa dhacey?
Laacibkii wuxu ogolaadey inuu dhexdhexaadiyo Ciyaarta kubadda Cagta ee Hablaha intii Ciyaartu socoteyna wuxu kaadhka Cas siiyey 7 Ciyaartooy Oo Gabdhood.
Markey Ciyaartu dhamaatey ba Saxaafadii weydiisey maxaa Casaanka intaa leeg hal Ciyaar u bixisey, Markaasu ku jawaabey “DUMARKA SHAQADOODU WAA Madbakha (JIKADA)”

Xigasho Good