Wefti uu Hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi oo Ku Sugan Saudi Arabia Oo Kulano La Qaatay Masuuliyin Boqortooyada Saudi Arabiya….

Riyad (GNN)-Waxa Beryahan  uu Dambeeyay Ku sugna Dalka Boqortooyada Saudi Arabia Wefti Balaadhan oo Ka socday xukummada somaliland oo uu Hogaaminyay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md Maxammoud Xaashi Cabdi Iyo Wasiirka Qorsheynta Qaranka Maxamed Ibraahin Qabyotire, weftigan aya intay ku sugaanayen Dalka Saudi arabia Kulano La Qaatay Masuuliyiinta Dowlada Boqortooyada Saudi arabia.
Dowlada Boqortooyada Saudi arabia aya si gaar ah uu soo Dhoweysay Weftigan Ka socday Somaliland iyago Ku Farxay Go’anki Jamhuuriyada Somaliland Ka Qaadatay Muranka Khaliijka Ka Taagan ee Gaar ahaan wadamada Qatar Iyo Saudi arabia Iskaga Hor Yimaaden, iyado Dowlada Somaliland Go’aan Ka gedisan kan Somalia Ka Qaadatay, Saudi arabia aad ugu Mahadnaqay Dowlada Somaliland uu Hogaaminayay Md Axmed Silaanyo.
Weftigan Wasiirada aya kala Hadlay Dowlada Saudi arabia arrimo Ku Saabsan Maalgelin Saudi arabia ku sameynasyo Somaliland, iyo Mashariic ay Hore ugu Ballan qaaday inay ka Fulinayso somaliland oo ku saabsan xagga Biyo Gelinta Degaanada Biyo La’aanta baahsani ka jirto ee weliba wakhtiga abaaraha soo Noqnoqata, waxaanay Saudi arabia Balla qaaday inay Deeqo kale duwan oo iskugu jira Raashin Iyo Lacag uu soo Diri doonan somaliland iyago Hore ugu soo diray Raashin aad uu badan wakhtigi abaaraha Somaliland ka jirtay.
Weftigan aya iyana si adag ugala Hadlay Xayiirada Xoolaha Somaliland in Laga Qaado madaama aan Xoolaha somaliland wax Xanuuno ah Laga Helin, iyago uu sheegay inay Somaliland leedahay awooda ay ku ilaaliso inay xoolaha somaliland caafimaad qabaan, Dhakhatiir Veterinary ay leedahay, Goobaha Maxjarada Wasaarada Xanaanada Xoolaha ee Saudi arabia Indhoohooda ku soo arkeen.
Dowlada Saudi arabia aya iyana shegtay inay sida ugu dhakhsaha badan uga hawl gelin doonto.
Socdaalkan Wasiirka Madaxtooyada Ku gaadhay Dalka Saudi arabia aya Lagu Tilmaami Kara Guul Weyn oo uu soo Hoyatay Somaliland Haddi sida ugu dhakhsaha Badan Xayiraada Looga Qaado Xoolaha Somaliland ee Dhaqaalaheedo Ku Tirsanyahay.
Weftigan uu Hogaaminayo Md Maxamoud Xaashi aya La filaya inay gaadhan Magaalada Abu Dubai Halkaas Kulano la Qaadan Doonan Dowlada UAE Iyo masuuliyinta DP World.