Xukuumadda Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Imaaraadka Carabtu Kala Shaqaynayo Sidii Sucuudigu Xayiraadda Uga Qaadi Lahaa Dhofka Xoolaha.

Wasiirka ganacsiga Somaliland Dr.Cumar Shucayb Maxamed ayaa daboolka ka qaaday in dawlada Imaaraadka Carabtu ay ka shaqaynayso sidii dalka Sucuudigu uu xoolaha Somaliland uga qaadi lahaa xayiraadda saaran.

Waxa uu wasiirku sheegay in mudooyinkanba ay socdeen dedaalo uu sheegay in lala kaashanayay dawlada Imaaraadka Carabta oo la xidhiidha sidii xoolaha dalka loogu iib gayn lahaa suuqyada dalka Sucuudiga oo loo iibgayn jiray xayiraadda ka hor, isla markaasna isla arintan wasiirka xanaanada hoolaha Somaliland uu u joogo dalka Imaaraadka Carabta.

Waxa uu Sidan ku sheegay Wasiirka ganacsiga Somaliland Cumar Shucayb Maxamed waraysi gaar ah oo uu siiyay Wargeyska Geeska Afrika, waxaana isaga oo arintan ka hadlaayay uu yidhi “Dawlada Imaaraadka oo aan hadda xidhiidh fiican leenahay waxay hadda nagala shaqaynaysaa sidii loo furi lahaa xoolaha, Sucuudiguna waa kii soo diray niman dhakhaatiir ah waxaana soo baxday natiijo fiican oo ah in aan xoolaha Soomaalidu waxba qabin, imika ayaa ay wada shaqayntii ay ku dhaw-dhawdahay gabogabo insha allaah xoolahana si dhakhso ah ayaa loo furi doonaa, wasiirkii xanaanada xooluhuna hawsha ayuu ka shaqaynayaa oo waaka Imaaraadka u jooga meel fiican ayayna hawluu marayaan.”

Dawladda Sucuudiga ayaa sannadkii hore xayiraad saartay guud ahaan xoolaha Soomaalida, ka dib xoolo laga qaaday dekedda Kismaayo ee Soomaaliya lagu arkay xanuuno.

Dawladda ayaa talaabadan qaadaysa ka dib markii ay taageertay xulafada Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta ee ka dhanka ah Qatar, islamarkaana ay dekedda Berbera ku wareejisay Imaaraadka Carabta. Laakiin dadka xidhiidhka caalamiga ah faaqida ayaa su’aal ka keenaya in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo leedahay awood diblomaasiyadeed oo ay ku samayso galangal noocan ah.