BBC Somali Oo Lixdan Jirsatay Maanta

Markii ugu horeysay laanta Af Soomaaliga ee BBC ayaa hawada soo gashay maanta oo kale siddeed iyo tobankii bisha Luulyo sannadkii 1957- waxaana barnaamijkii ugu horeeyay kasoo tabiyay daartii Bush house ee London allaha u naxariistee Xaaji Cabdi Ducaale.

Wixi intaasi ka dambeeyayna waxaa si weyn u kordhayay dhageystayaasha BBC Somali oo gaaray 3.6 milyan oo qof, kuwaasi oo kala socda BBC-da qeybaheeda kala duwan sida raadiyaha, onilenka iyo telefishinka.

Dabaaldega sanadguurada 60 aad ee BBC Somali ayaa waxaa lagu daahfurayaa abaal marintii ugu horeysay abid ee dhanka suugaanta ah oo loo qabto duamrka da’ada yar ee gabya.

Tartanka suugaanta ayaa waxaa uu u furnaa in ay ka qeybgalaan dhamaan gabdhaha da’doodu ay u dhaxeyso 16-ka ilaa 35-ka, iyada oo aan lagu xirin khibradooda iyo halka ay ku nool yihiin.

Balse tartanka ayaa waxaa shuruurd u ahaa oo keliya in gabeyga looga qeybgalayo uu yahay mid gabadhu ay curisay oo iyadu leedahay.

Inka badan boqol gabdhood ayaana codsiyadooda soo dhiibtay ilaa iyo haatan. Gabyaaga ku guuleysta abaalmarinta ayaa si toos ah BBC-da looga sii deyn doona galinka dambe ee maanta.

Soomaalida ayaa qani ku ah gabeyga, BBC Soomaalina waxa ay rejeynaysaa in abaalmarintan ay sare u qaadi doonto aqoonta jiilka cusub ee Somaliyeed iyo sidoo kale kobcinta gabdhaha da’da yare ee ku taxan dhageysiga BBC Somali.

Si loo xuso 60-guurada Laanta Afka Soomaaliga, waxaa la sii deyn doonaa barnaamijyo gaar ah oo bilaabanaya Jimcahan 14-ka Luulyo.

BBC Soomaali waxaa la furay 18-kii Luulyo ee sanadkii 1957, waxayna haatan gaartaa dadka Af-Soomaaliga ku hadla ee caalamka oo dhan oo ay kala hadasho Telefishanka, online-ka, warbaahinta bulshada iyo Raadiyaha oo ah halkii hawshu ka bilaabatay.

Xuskan waxaa lagu soo gebagebaynayaa munaasabad ku beegan maalinta 60-guurada ee 18-ka Luulyo lagu qabanayo magaalada Hargeysa oo lagaga dhawaaqayo qofka ku guulaystay abaalmarintii ugu horreysay ee abid BBC-du ku bixiso Gabyaa Haween Dhallinyaro ah. Dhegeystayaashu waxay maqli doonaan gabyaaga guulaysatay iyo sidoo kale barnaamijyo gaar ah oo munaasabadda ku saabsan.

Waxyaabaha ay BBC Somalisidoo kale idiin soo tebin doonto waxaa ka mid ah:

•Waraysiyo lala yeeshay weriyeyaal hore uga hadli jiray BBC Soomaali, dib u eegid sidii arrimuhu isu-beddeleen tan iyo markii Idaacadda la bilaabay.

•Sheekooyinka dhallinyaro Soomaaliyeed oo jecel warbaahinta bulshada ee gobollada Soomaalida oo dhan.

•Aragtida dadka ku nool xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, oo ka mid ah xeryaha qaxootiga ee adduunka ugu ballaaran, iyo sida wararka Soomaalidu u gaaraan, una saameeyaan, gaar ahaan barnaamijka Baafinta.

•Qodobbo laga soo qaaday keydka wararka ee BBC Soomaali iyo dib u eegid dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee Idaacaddu ka warrantay.

•Dood toos ah oo lagu eegayo mustaqbalka BBC Soomaali, oo ay ka qayb gelayaan dad kala jooga Afrika iyo dalka UK.

•Eegitaan lagu sameynayo dhaqanka ummadda Soomaaliyeed iyo sidii uu isu-beddelay sannadihii la soo dhaafay.

Caroline Karobia, oo ah tifaftiraha xilka sii baneyneysa ee BBC Soomaali waxay sheegtay” Waxaan gaarnay 60 sano oo aad u wanaagsan ee warbaahineed waxaana aan sameynay horumar badan si aan ula saanqaadno dhegeystayaasheenna. Tani waa waqti farxadeed ee BBC Soomaali telefishinka dhowaan la furayna waxaan doonaynaa inaan ku xirnaanno dhegeystayaasheenna mustaqbalka.”

BBC Somali waxay qayb ka tahay BBC-da caalamka dibadda la hadasha ee World Service, waana tan loogu dhegeysi badan yahay idaacadaha caalamka ee Soomaalida la hadla. Waxay la hadashaa dadka Af-Soomaaliga ku hadla, oo ay wararka u mariso raadiye, online, iyo telefishin ee Afrikada bari, Geeska Afrika iyo Soomaalida ku nool caalamka oo dhan. Waxay toddobaadkii gaartaa afar milyan oo qof. BBC Soomaali waxay dhowaan bilawday barnaamijkeeda telefishinka cusub oo heer sare ah -faahfaahinta waa halkan waxaana kaloo laga heli karaa Twitter, Facebook iyo Instagram. BBC Mobile App