XIldhibaanada Puntland oo Codka Kalsoonida Kala Noqday Golaha Wasiirada Puntland

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland, ayaa goor dhaw codka kalsoonida kala noqday Golaha Wasiirada Puntland, kadib kulan ka dhacay Magaalada Garowe.

Kulanka baarlamaanka waxaa soo xaadirtay 57 mudane, waxaa  codka kalsoonida kala laabtay 47 mudane, waxaa ka aamusay 9 xildhibaan, halka 1 xildhibaan  uu kahor yimid.

Xildhibaannada Puntland ayaa ku eedeeyay xukuumadda Gaas wax qabad la’aan, waxaana Madaxweyne C/wali Gaas laga sugayaa inuu soo magacaabo wasiirro cusub.

Maalmahan dambe waxaa jiray dood ay qabeen xildhibaannada Puntland, taasi oo ku aadan in wasiirada aanay la imaan waxqabad muuqda, qaarkoodna ay ku takrifaleyn hantida iyo awooddihii la siiyey.