Ceel-Afweyn: Madax-dhaqameedyo Dagaal-beeleed Loo Xidh-xidhay, Abbaanduulihii Qaybta 3-aad Ee Millateriga Oo Iscasiley + Taliyaha Qaybta 31-aad Oo Lawareegey Mas’uuliyadda Ciidammada Millateriga Ee Degaankaas Kusugan.

Kaddib markii dhawr maalmood ka hor dagaal dhexmaay laba beelood uu ka dhacay Degaanka Dararweyne ee Galbeedka Sanaag kaasoo sababay dhimashada toddoba ruux iyo kudhowaad 20 ruux oo dhaawacyo kasoo gaadheen ayaa waxa shaqaaqadaas awgeed halkaas gaadhey kuna sugnaa maalmihii ugu danbeeyey mas’uuliyiinta qaybaha kala duwan ee maammulka iyo ciidammada gobolka Sanaag.

tmp_20081-IMG-20170720-WA0202-257893807

Haddaba Wararka nagasoo gaadhay Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in habeenkii xalayto xukuumadda sare ee Somaliland soo amartay in la qab-qabto madax-dhaqameedyo iyo waayeel kale oo isugu jira labada beelood ee shaqaaqadu ku dhexmartay halkaas, taasi oo mas’uuliyiinta iyo ciidammada kusugan gudaha degmada Ceel-afweyn isla subaxnimadii saakaba ay bilaabeen qab-qabashada dadkaas.
Waxana wararku intaas kusii darayaan dhinaca Taliska guud ee Ciidammada Millateriga iyo Taliyayaasha iyagu kusugnaa Ceel-afweyn qaarkood uu jiro is-maandhaaf amarka qab-qabashadaas ka dhashay oo dhexmaray kaasoo sababay in Abbaanduulihii Qaybta 3-aad ee Millateriga G/le-sare C/laahi Suufi oo isagu kasoo jeeda beelaha degaankaas ku diriray uu xilkaas iska casiley unasoo boqoolay dhinaca gudaha magaalada Ceerigaabo oo uu xilligan kusugan yahay. Halka Taliyaha Qaybta 3-aad ee Millateriga General-Muuse Delef Isagana lagusoo amray inuu Ceerigaabo dib ugu laabto oo uu sidaas kaga soo baxay Sidoo kalena Taliyaha Guud Ee Millateriga Somaliland si kumeel-gaadh ah Xilkii taliyenimo ee ciidammada degaankaas kusugan ugu wareejiyey Doolaal oo ah Taliyaha Qaybta 31-aad Ee Millateriga Somaliland.
Dhinaca kalena Kuxigeenka ahna Kusimaha Badhasaabka oo aannu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay isagoo kusugan gudaha magaalada Ceel-afweyn ayaa sheegay inaanu jirin wax ismaan-dhaaf soo kala dhexgalay mas’uuliyiintan millateriga isagoo intaas kusii daay in taliyayaasha Ceerigaabo dib ugu soo laabtay hawlo laxidhiidha u diyaargarowga qaadashada kaadhadhka awgeed ay halkaas ugu laabteen.
Halka Taliyaha Qaybta 3-aad General-Muuse Delef oo aannu isku daynay inaannu laxidhiidhno aanay noo suutagelin kaddib telefoonkiisa gacanta oo uu qaban waayey awgeed.

tmp_20081-ceelafweyn-300x169-881268972