War Deg Dega: Mid Kamida Shaqaalaha Muruqmaalka Dekada Berbera oo U Dhintay Koonteenar Kusoo Go’ay

Murankan ayaa ku salaysan xaqa iyo xaquuqda marka shaqaalaha dhibaato ka soo gaadho shaqada ay qabanayaan Iyadoo Mushkiladaa

Berbera (GNN):- Xalay Xili Danbe Ayaa Nin kamida Shaqalaha Muruqmaalka Stevedorns ka Ee Dekada Berbera Uu Ku Dhintay Markab Guudkii Kadib Markii Koonteenar Uu Kusoo Go’ay.

Marxuumka dhintay ayaa magaciisa la odhan jiray Daa’uud

Mudooyinkii udambeeyay waxaa dekada ka jiray muran udhaxeeya shaqaalaha muruqmaalka dekada Berbera iyo shirkada la wareegtay dekada ee DPWORLD.

Murankan ayaa ku salaysan xaqa iyo xaquuqda marka shaqaalaha dhibaato ka soo gaadho shaqada ay qabanayaan Iyadoo Mushkiladaa Is Afgaran Waaguna Sababatay In 48 Saacadood In Kabadan Aay Istaagto Shaqadii Dekada Ka Socotay .

Muruqmaalka Ayaana Ku Dhawaaqay Shaqo Joojin, Murankna Oo Sii Jiitamay Ayaa 20 Bishan Julay 2017 Waxaa Magaalada Hargaysa Kulan Ku Dhexmaray Masuuliyiinta Madaxtooyada Somaliland, Maamulka sare Ee Shirkada Dp Wolrld iyo Madaxda Muruqmaalaka Dekada Berbera.

Sda Wararka Lagu Helayna waxay Sheegeen in Dawlada Somaliland Aay Balan Qaaday Wixii Dhibaato iyo Dhimashaba Keenta in Aay Masuul ka Yihiin Dawlad Ahaan, Waxaana Dhinacyada Arinkanai Khuseeyaa kala saxeexdeen Qoraal,

Shilkan Ayaa Noqonaya Kii Ugu Horeeyay Intii Heshiiska Cusub Lakala saxeeday iyadoo Horena ay U Taagnayd Illa lix Qof Oo Dhaawacyo Culis Kasoo Gaadheen Shaqada Gudaheeda, Shaqaalaha Muruqmaalka iyo Madxdooda Ayaa Saaka U Dhegtaagaya waxaa Kasoo Baxa Shilkan Dhacay iyo Sida ay U Oofiyaan  Xukuumada Somaliland Heshiiska Wali Qoyan Ee Aay La Galeen Muruqmaalka Dekada Berbera oo Lixdii Bilood Ee U danbeeyay ka cabanayay Shirkada Dp World