Siyaasi Cabdikariim Axmed Mooge Oo Wax Aan La Aqbali Karin Ku Tilmaamay In Xaafada New Hargeysa Lagu Carqaladeeyo Xisbiga Kulmiye, Fariin Muhiim Ahna Diray

Hargeisa(GNN):-Siyaasi Cabdikariim Axmed Mooge ayaa wax garadka ku nool xaafada New Hargeysa ee caasimada ugu baaqay inay wax ka qabtaan koox carqaladaysay weftigii xisbiga Kulmiye ee ka soo laabtay gobolka Togdheer isla markaana burburisay xaruntii xisbiga Kulmiye ee xaafadaasi.

Siyaasi Cabdikariim Axmed Mooge oo qoraal uu dhacdadaas kaga hadlayo ku baahiyey bogiisa Facebook ayaa sidoo kale laamaha amaanka u soo jeediyey inay gacanta ku soo dhigaan dadkii ka dambeeyey burburka loo gaystay xafiiska xisbiga Kulmiye ee xaafada New Hargeysa.

Siyaasi Cabdikariim Axmed Mooge waxa uu sheegay inaan la aqbali Karin in xisbiyada qaranka laga sheegto xaafadaha magaalada Hargeysa, waxaanu ku baaqay in

si deg deg ah looga fal celiyo dhacdadan oo uu ku tilmaamay mid fool xun.

Siyaasi Cabdikariim Axmed Mooge oo ka hadlaya dhacdooyinka xaafada New Hargeysa ayaa waxa uu yidhi “Waa in waxgaradka ku nool xaafada New Hargeysa fadhiga ka kacaan oo iyaga oo kashanaya laamaha amaanka ay gacmo bir ah kaga hortagaan kooxahan wax magaratada ah ee ka dilaacay xaafada New Hargeysa, Waana wax aan la aqbali karayn in koox yari ay ku dhex tuurtuurto wafti ka socda xisbi qaran xaafada dhexdeeda dhawacaana sharaftii xaafada New Hargeysa, sidoo kalena ay waxyeelo u geystaan xafiis xisbiga Kulmiye ku leeyahay xaafadaas.

Waa in inaga oo isku duuban aynu cambaareynaa falalkaas iyo cidii geysatayba sidoo kalena waa in laamaha amaanku ay sharciga horkeenaan cidkasta oo ku lug lahayd falalkan foosha xun ee ka dhacaya xaafada new Hargeysa.

MA AQBALI KARAYNO IN QAAR INAGA’ MIDI YIDHAAHDAAN XAAFADAN REER HEBEL BAA DEGOO XISBI HEBEL MA IMAN KARO! Waar dalkan yaan dib loo celinin waana in xukumadu ay sharciga hor keenta kooxahan jibaysan ee xumo-ka-taliska ah!