Deg-Deg- Suuqyada Magaalada Hargeisa Oo Lagu iibinayo Raashinkii Mucaawinada Ahaa Ee Loogu Talogalay Bulshada Abaartu Saameysay.

Hargeisa(GNN):-Qaar kamida Suuqyada Gudaha Caasimada Hargeisa Ayaa Todobaadkii u Danbeeyey Lagu Arkayey Meherado ka Ganacsanaya Raashinkii Mucaawinada Ahaa ee Loogu Talo galay In lagu Caawiyo Shacabka Tabaalaysan Ee Ay Baro bixiyeen Abaaraha Kala Danbeeyey ee Saameynta Ku yeeshay Dad Iyo Duunyaba.

Waxaana Meherado kala Duwan Oo Aanu Dukaameysi u tagnay Ku Aragnay Noocyo Ka Mid Ah Raashimadii Ay Bulshada Muslimiinta Ah ee Dalalka Islaamku Kusoo Caawinyeen Shacabka Dhibaatadu Haleeshay ee Somaliland, Taas Oo Sida Sawirkan idiinka Muuqata Ay Tani Ka Mid Tahay Timirtii Dalka Qatar uu kusoo Caawiyey Shacabka danyarta ah ee Badbaadada u baahan, Waxaana Ku Xardhan Qoraalo Loogu Digayo inaan La iibin Karin Ganacsina aan laga dhigi Karin.

Sidoo Kale Iyana Waxaa Jira In Gudaha magaalada Wajaale Dhawaan Aanu kula Kulanay Baabuurta Xamuulka Qaada Oo laga Rogayo  Biskudka(Buskud Diiq) Loogu talo Galay in lagu Caawiyo Caruurta Ay Ku Dhacdo Nafaqo daradu Oo si aan qiyaas lahayn uga buuxay bakhaarada iyo meherada aanu kormeerka ku marnay.

Ma Jiro Ilaa Hadda Wax War Ah Ama Talaabo Ah oo Ay Qaadeen Laamaha Amaanka Ee Dalku, halka aaney iyaguna kaba warhayn Gudidii loo magacaabay Gudida Abaaraha iyo Gudidii kasoo Kabashada Abaaruhu.

Sidoo Kale Waxaa Iyana Dad Xogogaal Ahi Noo Xaqiijiyeen In Mid kamida Kastamada Gudaha caasimada Hargeisa La Keenay Raashi Tiro badan Oo Wakhtigiisu dhacay oo ka Kooban Dhawr koontiinar oo Ahaa Raashinkii mucaanada Ahaa ee Dalalka Carabtu ku Caawiyeen  Bulshada Balse wakhtigiisii dhacay, iyadoo masuuliyada arrintaa ay ka gaabiyeen dadkii loo xilsaaray.

Arrintan Ayaa Bulshada Intii Aragtay Ka Muujiyeen Argagax iyo Dareen damqasho leh

Waxaana Ay wax laga Xumaado ku Tilmaameen In heerkaa uu gaadhay musuqmaasuqii oo dib Loo Xaraashayo Xoolihii loogu Talo galay in Lagu Caawiyo Shacabka Dhibaatadu Soo Gaadhay ee Abaaraha Baahsani haleeleen.

20156155_1926172304322076_8106239520574192901_n

BUSKUL20228563_1926172264322080_778608559486362353_n 20228785_1926172334322073_2456695297405808817_n 20246458_1926172127655427_7241991644902797055_n 20258248_1926172060988767_6278816838926133432_n 20293106_1926171910988782_4453369189466342904_n

Wixii Warar Ah ee Kasoo kordha Kala Soco Gabiley News Network.