IGU SAWIR & IGU DAYO: Hal-ku-dhegyada Ololleyaal Iska Soo Horjeeda Oo Cidhiidhi Geliyey Kalsoonidii Farmaajo Ka Haystay Shacbigiisa

Akhri: Warbixin Laga Diyaariyey Ujeedada Hal-ku-dhegyadan Oo Saameeyey Madaxda Dawladda Farmaajo Oo  Iyagu U Badan Qurbejoog Ku Xidhan Baraha Bulshada

timthumb (3)

Muqdisho(Hubaal):- Waxaa todobaadyadan baraha bulshada ee dalka Soomaaliya  qabsaday olole lagu dhalliilayo Hab-dhaqanka Madaxda iyo Masuuliyiinta Dawladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo,   waxaana hal-heys looga dhigey Kelmadda ‘Igu Sawir’ iyo sidoo kale olole kale oo lagu taageerayo ama lagu difaacayo Dawladda oo loogu magac-daray; ‘Igu Dayo’.  Sidaa waxa lagu bilaabay Warbixin   aannu mucdeeda ka soo xigannay laanta afsoomaaliga ee BBC-da, isla markaana kaabis iyo sixitaan ku samaynay, waxay iyadoo dhammaystiran u dhignayd sidatan hoos ku qoran:-   Kumannaan Dhalinyaro ah, ayaa Baraha Bulshada ku kulanto ee Internet-ka si joogto ah ugu faafinaya Sawirro iyo Qoraalo hal-heys looga dhigey; ‘Igu Sawir’, qaarkood ayaa xitaa xayawaanno isku soo Sawiray. Hase-yeeshee, kelmadda; ‘Igu Dayo’ Dhalinyaro kale oo Dawladda taageero u haya, ayaa iyaguna bilaabay olole kale oo ay ugu magac-dareen; ‘Igu Dayo’, waxaanay ku dhiirrigelinayaan Madaxda dawladda, iyaga oo boggaadinaya wax-qabad ay sheegayaan inay Madaxda dawladdu sameeyeen muddada ay xilka hayeen. Dawladda Federaalka Soomaaliya ee hadda jirtaa, waxay bilawgeedii iyo doorashadii Madaxweynaha-ba heshey taageeradii ugu badneyd ee Shacabka Soomaaliyeed dawlad u muujiyaan meel kasta oo ay joogaan muddo sannado badan ka dib ah, waxaana taageerada loo hayo aad looga dareemey Baraha Bulshada. Hase-yeeshee, gadaal taageeradaa faraha badan lahayd waxay u muuqataa inay wax iska beddeleen ama iska beddelayaan. Taasina waa sababta keentay hal-ku-dhegyadan lagu faafinayo Baraha Bulshada ee ‘Igu Dayo’ iyo ‘Igu Sawir’ ee isku lidka ah.

Dowladda iyo Baraha Bulshada

Maxamuud Cali oo ka tirsan Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa ku warramay in Madaxda dawladda Soomaaliya ee cusub ay u badan yihiin Rag Dhalinyaro ah oo Qurbaha ka yimid, aadna u isticmaala Baraha Bulshada, iyaga oo wax-qabadkooda soo bandhiga. Wuxuu intaasi ku daray in laga yaabo in taas ay ugu wacan tahay guuxa Dadweynuhu ka muujinayaan durba nidaamka hoggaaminta Madaxda Dawladda Soomaaliya. Waxaa xusid muddan in markii Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu soo magacaabayay Ra’isal-wasaare Xasan Cali Kheyre uu magacaabista ku shaaciyey Boggiisa Twitter-ka, waxaanay ahayd markii ugu horreysey ee taariikhda Dawladaha Soomaaliya soo maray Ra’isal-wasaare Magacaabistiisa laga ogaado Barta Twitter-ka uu ku leeyahay Madaxweynaha dalku. Sidaasi si la mid ah Madaxda dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa wax-qabadkooda iyo meelaha ay booqdaan ku shaaciya Baraha Bulshada xitaa ka hor inta aanay Warbaahinta dawladdu faafinnin ama baahinnin-ba.

timthumb (1)

Balse, Dadka qaarkood oo aragtidooda soo dhigey Baraha Bulshada, ayaa waxay farta ku fiiqayaan in Dawladdu ay u eegtahay in weli ay ku jirto jewigii ololaha doorashada, sidaasna ay ugu wacan tahay in la qoonsado Sawirrada Madaxda ee sida joogtada ah u soo baxaya ama loo soo dhigayo Baraha Bulshada. Hase-yeeshee, illaa hadda weli ma jiro Masuul dawladda ka tirsan oo ka hadlay guuxa Dadweynaha iyo Dhalliilaha ay isticmaalkooda Baraha Bulshada kala kulmayaan iyo hal-ku-dhegyada cusub ee Igu Sawir iyo Igu Dayo ee midna lagu difaacayo midna lagu dhalliilanyo Madaxda dawladda.